Axad, May 06, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu magacaabay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, ku xigeenadooda iyo kuwa Waaxaha, waxaana maanta la magacaabay Guddoomiyayaasha ilaa 8 degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, halka maalinta berri ahna la magacaabi doono 8da degmo ee kale ee Gobolka Banaadir.
Xafladdii lagu magacaabayay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka hadlay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), wuxuuna uga digay mas’uuliyiintii la magacaabay in ay iska seexdaan oo aysan shaqeynin, “Waa laga soo gudbay xiligii inta wax laga magacaabo la iska seexan jiray, waxaan idiin sheegayaa in qofkii aan xilkiisa u gudan sidii loogu magacaabay tallaabo sharci ah laga qaadi doono, ma dhici doonto in xilka kaliya laga qaado balse waxaa la marsiin doonaa sharciga, wixii uu ka helo ayuuna leeyahay”ayuu yiri Maxamed Dheere.
Maxamed Dheere ayaa mar uu ka hadlayay qorshe howleedkiisa Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in uu Degmooyinka Gobolka Banaadir u sameyn doono Guddoomiyayaal Degmo, ku xigeeno iyo kuwo Waaxeed, kuwaasi oo dadka xaafad-xaafad isugu xiri doona, isla markaana lagala xisaabtami doono Guddoomiyayaasha Waaxaha wax kasta oo soo gala ama ka baxa Xaafadaha Degmooyinka ay madaxda ka yihiin.
LIISKA MAAMULKA CUSUB EE DEGMO OO G/BANAADIR.
DEGMADA XAMAR WEYNE.
C/llaahi Ibraahim Sahal (Guddoomiye).
Maxamed Macallin Abuukar (Gud. Xigeen)
Max’ed Nuur Diini (Xoghayn)
Maxamed Macalin Xasan (Waaxda Kacaan)
Cali Amiin Xaaji (Waaxda Gobanimo)
Cumar Nuur Cumar (Waaxda Horseed)
Maxamed Cabdi Ducaale (Waaxda Hilaac)
DEGMADA SHIBIS.
Abuukar Xuseen Bandaas (Guddoomiye).
C/llaahi Xaaji Max’ud (Gud. Xigeen)
Abuukar (Xoghayn)
C/llaahi Xaaji Maxamed (Waaxda 1)
Maxamed Maxamuud Cumar (Waaxda 2)
Ibraahim Xasan Carbacow (Waaxda 3)
Saalin Bacayn (Waaxda 4)
DEGMADA BOODHEERE.
C/kariim Maxamuud Xasan (Guddoomiye).
C/wadan Abuukar Shiikh (Gud. Xigeen)
Abuukar Xaaji Maxamed (Xoghayn)
Cali Calasoow (Waaxda N. Buundo)
Khaliif Yuusuf Maxamed (Waaxda Danjirka)
Saalax Nuur Axmed (Waaxda Siinaay)
Aadan C/lle Macallin (Waaxda K/weyne)
DEGMADA SHANGAANI.
Maxamed Isloow Cumar (Guddoomiye).
Shariif C/qaadir Waaynaade Away (Gud. Xigeen)
Axmed Iikar Xaaji (Xoghaye)
Aways Abuukar Maxamed (Waaxda Howd)
Yaasiin Xaaji Axmed (Waaxda Mooyaale)
Ismaaciil Dalfac (Waaxda Jabuuti)
DEGMADA HILWAA.
C/llaahi Shiikhoow Cali (Guddoomiye).
Cabdi Axmed Barroow (Gud. Xigeen)
Cismaan Cali Maxamed (Xoghaye)
Cali Maxamed Baandhac (Waaxda Gubadlay)
Daahir Cismaan Xoreey (Waaxda Waxarcade)
Maxamed Wardheere Cali (Waaxda Bandarwanaag)
C/llaahi Macalin Axmed (Waaxda Barwaaqo)
Cali Yuusuf Xasan (Waaxda C/cirfiid)
DEGMADA YAAQSHIID.
Xaaji Cali Fiidoow (Guddoomiye).
Nuur Cilmi Faarax (Xoghaye)
Abuukar C/lle Cismaan (Waaxda Heegan)
C/llaahi Maxamed Barre (Waaxda Toowfiiq)
Xasan Axmed Cali (Waaxda Juungal)
Cali Shuuriye Casir (Waaxda 1luulyoi)
Xasan Xirsi (Tawakal)
DEGMADA C/CASIIS.
Maxamed Xuseen Cariif (Guddoomiye).
Sacdiyo Axmed Gacal (Gud. Xigeen)
C/qaadir Sheekh Maxamed (Xoghaye)
Muxudiin Maxamed Xuseen (Waaxda Dhagaxbuur)
Xaliimo Maxamuud Calas (Waaxda Lowyacadde)
Cismaan Mahdi Xasan (Waaxda Gaarisa)
Caraboow Maxamuud Cali (Waaxda J/Nero)
DEGMADA KAARAAN.
Sahra Xasan Ceynte (Guddoomiye).
Muxiddiin Culusoow Cumar (Gud. Xigeen)
Maxamed Cali Raage (Xoghaye)
Xaliimo Axmed Siyaad (Laanta 1aad)
Axmed Nuur Caddoow (Laanta 2aad)
Ibraahim Maxamed Afrax (Laanta 3aad)
Yuusuf Sheekh Cabdi (Laanta 4aad)
Xuseen Guure Calasoow (Laanta 5aad)
Khaliif Cabdi Maxamed (Laanta 6aad)
Maxamuud Odoawaa Maxamed (Laanta 7aad).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






