Axad, May 06, 2007(HOL): 17 Ruux oo ay dhaawacyo culus ka soo gaareen Dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay, isla markaana dhaawacyada ay qabaan dalka gudahiisa wax looga qaban waayay ayaa loo duuliyay Dalka Jabuuti, si halkaasi loogu daweeyo, iyadoo 17-kaas ruuxna laga qaaday Isbitaallada Madiina iyo Keysaney ee Magaalada Muqdisho.
Dadkani dhaawacyada qabay oo isugu jiray dad waa weyn iyo caruur ayaa qabay dhaawacyo halis ah, waxayna qaarkood ahaayeen kuwo Coma ku jiray oo aan waxba kala ogeyn, sida uu ku waramay Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Madiina Dr. Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere).
Daahir Dheere waxaa uu sheegay in dadkaas ay wax u qaban waayeen. isla markaana ay xaaladdooda si weyn uga wel-welsanaayeen dhibaatada heysatay, wuxuuna u mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowaldda Jabuuti oo iska kaashaday sidii dadkaasi dhaawaca ah loogu soo daweyn lahaa dalka Jabuuti.
Dadkaasi dhaawaca ah oo gaaray Dalka Jabuuti ayaa waxaa afar ruux oo ka mid ah oo dhaawacoodu uu aad u culus yahay waxaa loo qaaday Isbitaal ay ku sugan yihiin Dhaqaatiir Talyaani ah oo isla Jabuuti ku yaala, sida uu sheegay Cusmaan Faarax Cumar oo ka mid ahaa Wafdi Dhaqaatiir ah oo Muqdisho ka soo qaaday Dadkaasi dhaawacyada qabay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa xiriir dhexmaray waxay ku gaareen go’aan ah in Dadkii ku dhaawacmay ee wax looga qaban waayay gudaha Soomaaliya lagu daweeyo Isbitaallada dalka Jabuuti, iyadoo tallaabada ay labada Dowladood gaareena si weyn loo soo dhaweeyay bacdamaa aysan Soomaaliya haatan ku oolin Isbitaallo adeeggooda dhameystiran yahay oo wax ka qaban kara dhaawacyada aadka u culus.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






