15.2 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Ciidamada Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Uganda oo socod roondo ah ku sameeyay Waddooyinka Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 06, 2007(HOL): Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha Itoobiya iyo Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta socod roondo ah waxay ku sameeyeen qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo ku hubeysnaa dhowr iyo labaatan gaari oo isugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa lagu raaxeysto ayaa waxay socdaallo ku soo mareen waddooyinka Wadnaha, Sodonka, Balcad iyo kuwo kale oo magaalada Muqdisho ku yaala, waxaana ujeedada socdaalkooda lagu sheegay mid indho indheyn ah.

Ciidamadan ayaa intii ay ku guda jireen socodkooda indha-indheynta ah waxaa u gacan haatinayay oo soo dhaweyn u muujinayay dadweyne isugu soo baxay hareeraha waddooyinka, iyadoo markaasi kadibna la arkayay ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Uganda oo iyagana u gacan haatinayay dadka hareeraha waddooyinka isugu soo baxay ee soo dhaweynta u muujinayay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamadan socod roondo ah ku maraan waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxayna ciidamadan bilaabeen socodkooda roondada ah, kadib markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanayay Ciidamada Itoobiya ay ku adkaadeen Dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho haatan waxaa ka talisa oo gacan ku heynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddo 2 sano ku dhow ku soo qaadatay magaalooyin aanan ahayn caasimadda Soomaaliya, tiiyoo ay xusid mudan tahay in la wareegitaanka gacan ku heynta magaalada Muqdisho ay Dowladda Federaalka ku caawisay Dowladda Itoobiya oo iyadu ciidamadeeda ay la dagaalameen maxkamadihii Islaamka ee ka soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan looga fadhiyaa in ay sharcigii iyo kala dambeyntii soo celiso, bacdamaa ay la wareegtay taladii dalka, sidoo kalena looga baahan yahay in ay xakameyso ciidamo maleeshiyooyin ahaan jiray oo dadka si aan wanaagsaneyn ula macaamila, kuwaasi oo lagu arko waddooyinka Muqdisho qaarkood.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).