15.2 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Saraakiisha Amniga u qaabilsan Dowladda Federaalka oo ka shiray sidii Muqdisho looga dhigi lahaa mid ammaan ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, May 05, 2007(HOL): Kulan ay xarunta Villa Somalia ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Saraakiisha Dowladda Federaalka u qaabilsan dhinaca ammaanka ayaa waxaa looga hadlay sidii amni guud loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya.

Kulanka labada dhinac ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay xasilinta magaalada Muqdisho iyo weliba xalinta mushkilad dhawaan ka dhacday magaalada Kismaayo, taasi oo sababtay in Ciidamo ka wada tirsanaa Dowladda Federaalka oo magaalada Kismaayo ku sugnaa ay dagaalamaan, isla markaana ay beelo u kala qeybsamaan.

Afhayeenka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-Sireed) oo shirkaas kadib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid muhiim ahaa oo looga arinsanayay sidii amni loogu soo dabaali lahaa magaalooyinka Dalka Soomaaliya oo uu xusay in ay ugu horeyso Caasimadda Muqdisho.

Afhayeenka waxaa uu baaq u jeediyay Dadka Muqdisho oo uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka, si ay u soo celiso amnigii, sharcigii iyo kala dambeyntii, wuxuuna caddeeyay in haddii ay wada shaqeeyaan Dowladda iyo Shacabka si dhaqsi ah xal loogu heli doono dhibaatadii dhowr iyo tobanka Sano ka taagneyd Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana magaalada Muqdisho.

Kulankan dhexmaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Saraakiisha Dowladda u qaabilsan dhinaca ammanka ayaa wuxuu ku beegmayaa iyadoo Dowladda Federaalka ay la wareegtay gacanta ku heynta Magaalada Muqdisho oo muddo labo sanadood ah ay ka meer meereysaneysay in ay timaado.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan looga fadhiyaa in ay sharcigii iyo kala dambeyntii soo celiso, bacdamaa ay la wareegtay taladii dalka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Dowladda looga baahan yahay in ay xakameyso ciidamo maleeshiyooyin ahaan jiray oo dadka si aan wanaagsaneyn ula macaamila.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).