15.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gobolka Hiiraan oo wada qorshe dib loogu howlgelinayo Goobihii Dowladda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, May 03, 2007(HOL): Ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugan gobalka Hiiraan ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo la doonayo in dib loogu howl-galiyo dhamaan Goobihii dowlada ee Mutada 16ka sano ah Bur bursaa ama qaar kood deegaano u noqday dadka Rayidka ah halka kuwo kale oo badana yihiin goobo waxbarasho.

Sarkiishii hore ee Ciidamada oo hada intooda badan si toos ah ula shaqeeya Dowlada Federaalka ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada B/weyn ayaa waxaa ay si faah faahsan ugu doodeen taaba galinta howlihii lagu yaqiinay Ciidamada qebahooda kala duwan, hadii ay ahaan la hayeen kuwa Xooga Dalka, Booliska, iyo waliba Asluubta, oo dhamaantood hadda xaadir kuwada ah gudaha Gobalka si markaa loola jaanqaado isbadalka cusub iyo Nidaamka dowliga ah ee hada dalku ku talaab sanayo.

Col. C/raxmaan Shiikh (C/raxmaan Dhagool) oo ah abaan-duulaha abaabulka ciidamada xooga dalka ee gobalka Hiiraan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in wixii xilagan ka danbeeya aan looga fadhiyo ciidamada howlihii looga bartay, isaga oo itaa ku daray in marka hore loo baahan yahay Tirakoob guud oo lagu sameeyo qeybaha gobalka si loo ogaado inta ka joogta Xirfadlayashii hore ee Ciidamada.

Iskastoo kulanku ahaa mid ka duwan kuwii horey ay u yeelan jiraan qeybaha Ciidamada ayaa dhinaca kale waxaan meesha laga saarin sida loo wajahayo shaqo gallinta Goobihii dowladu laheyd oo ay ugu horeeyaan Xeryihii Ciidamada, gaar ahaan waxaa siweyn farta loogu fiiqay Xerada Lama-galay oo hada ah mid ka mid ah Xaafadaha ugu caansan Magaalada B/weyn iyada oo maatana loo balan-san yahay in Ciidamadu ku sameeyaan gudaha xaradda Dabrid aad u balaaran.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dowladu ku guuleystay Maamulka Muqdisho oo ah caasimada dalka waxaa ka jiray gudaha gobalka dhaq-dhaqaayo aan yaren una muuqda kuwo looga qeyb-qaadanayo talaabooyinka Dowladu damacsan tahay in horay ugu dhaqaajiso gaar siinta Gobalada oo dhan Nidaamka soo celinaya sharcigii iyo kala danbeytii dalku lahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).