15.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Shirkado waa weyn oo Muqdisho ka howlgala oo hubkoodii ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, May 03, 2007(HOL): Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Telecom iyo Shirkadaha Xawaaladda Dahabshiil iyo Amal ayaa maanta hubkooda ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, iyadoo Dowladdana ay hubkaas ku sii wareejisay Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan.

Munaasabad ay Shirkadahaas hubkooda kula wareejinayeen Dowladda Federaalka oo ka dhacday Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed C/llaahi Cali Cumar, Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, Saraakiil ka socotay Ciidamada AMISOM iyo weliba Mas’uuliyiin ka socday Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in ay shirkadaha hubkooda ku wareejiyay ay bilow u yihiin 151 shirkadood oo isu soo diiwaangeliyay in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay shirkadaas ballanqaadeen in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka.

Hubka ay Shirkadahan ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo noocyo kala duwan isugu jiray ayaa waxaa ka maqnaa hubka waa weyn ee gaadiidka dagaalka la saaro, waxayna mas’uuliyiintii shirkadahan ka socday ay sheegeen in ay hubkaas keeni doonaan, waxaana arrintaas ka wada xiriiraya shirkadahaas iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ee Dowladda Federaalka ugu xil saaran hub uruurinta.

Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in hubka ay shirkadahaas ku wareejinayaan Dowladda Federaalka uu sidoo kale bilow u yahay qorshaha hub ka dhigista ah ee ay Dowladda Federaalka waddo, wuxuuna Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Qeybdiid uu sheegay in hubka lagu wareejinayo Dowladda Federaalka ay iyadana ku sii wareejin doonto Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhawaan ugu baaqay Shirkadaha Gancsiga ee ka jira Magaalada Muqdisho in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka, waxaana tan iyo markii uu soo baxay amarkaas u socday Ganacsatada Gobolka Banaadir shirar ay ka lahaayeen sidii ay hubkooda ugu wareejin lahaayeen Dowladda Federaalka oo iyadu si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Muqdisho kadib dagaallo lagu hoobtay oo muddo bil ka socday.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marka ay uruuriso hubka ay leeyihiin Ganacsatda Gobolka Banaadir waxaa sugeysa howl kale oo baaxaddeeda leh taasi oo ah sidii ay dadka shacabka ah uga uruurin lahayd hubka gacanta ugu jira, taasi oo haddii ay ku guuleysato u sahleysa in ay gacanta ku dhigto ammaanka Magaalada Muqdisho oo muddo ka badan 16 sanadood ku jirtay xaalad fowdo ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).