14.1 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Maxamed Dheere oo u digay Dadka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 01, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo maanta si rasmi ah loogu wareejiyay xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay waxaa uu maanta la hadlay dadka Muqdisho.

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu dhawaan bilaabi doono howlgallo lagu sugayo ammaanka, wuxuuna caddeeyay in la howlgelin doono Degmooyinka iyo Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir, isagoo dadka Muqdisho-na uga digay in dhexdooda laga abaabulayo falal nabadgelyo darro ah oo lid ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Dheere waxaa uu ku cel celiyay in gacan bir ah lagu soo qaban doono dadka ka dambeeya falalka nabadgelyada lidka ku ah, si gaar ahna wuxuu u bartilmaameedsaday dadka madaafiicda ku tuuri jiray Xarumaha Dowladda, “Qofkii gurigiisa laga dhinac tuuro Madaafiic Dowladda loo wado isaga ayaa ka jawaabi doono”ayuu yiri Maxamed Dheere oo farriintaas u dirayay Dadka Muqdisho.

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ay dadka Muqdisho xaafad-xaafad la isugu xiri doonaan, isla markaana ay xaafad kasta ka shaqeyn doonaan boqol qofood oo lagula xisaabtami doono ammaanka xaafadahooda, “boqolkaas qof ayaa lagula xisaabtami doonaan ammaanka xaafadaha, haddii ay howshooda qabsan waayaan, isla markaana ay dad nabadgelyo darro wada ay soo dhinac maraan iyaga ayaa maqan meeshii ay aadeenna Ilaah ayaa og”ayuu mar kale yiri Maxamed Dheere.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa hadalkiisan wuxuu ahaa midkii ugu horeeyay ee uu jeediyo tan iyo markii dhawaan loo magacaabay Xilkan. Maxamed Dheere oo muddo shan sanadood ah ka talinayay gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu ka dhigay mid amaan ah.

Sidoo kalena Xafladdii xilka lagula wareejiyay Maxamed Dheere waxaa ka hadlay Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde oo u hambalyeeyay Maxamed Dheere, kadibna ugu baaqay Dadka Muqdisho iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Cadde Gaabow waxaa uu sheegay in Maxamed Dheere uu yahay nin weyn oo leh karti maamul, wuxuuna caddeeyay in ay sii socon doonaan xafladaha loo qabanayo soo dhaweyntiisa, isagoo farta ku fiiqay in uu kalsooni ku qabo in maamulka cusub ee gobolka Banaadir uu wax weyn ka bedeli doono xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kalena, Maxamed Dheere ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socdo gaaro magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, isla markaana uu isna xilka Gobolka Shabeelaha Dhexe ku wareejiyo maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).