Talaado, May 01, 2007(HOL): Ururka Samafalka Wadaniga ee Bani’aadam ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir oo ay ku jiraan Bukaano tiro badan oo uu soo ritay xanuunka Shuban biyoodka ah, iyadoo deeqdaas dawada ahna lagu wareejiyay Maamulka Isbitaalka.
Deeqdan dawada ah ee uu Isbitaalka gaarsiiyay Ururka Samafalka Bani’aadam ayaa waxaa iska soo uruuriyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Toronto ee dalka Canada, iyadoo loo soo marsiiyay Ururka Samafalka (Human Concern International) ee ka dhisan Canada.
Dawada la gaarsiiyay Isbitaalka Banaadir ayaa isugu jirtay Faleebooyinka Fuuq celinta oo 300 oo Kartoon ah, Dawooyin Qalajiye ah oo isugu jiray Cirbado, Kaniini iyo Sharoobo, kuwaasi oo isu geyntooda tahay 85 Kartoon iyo weliba Kanaalka cirbadaha la dhexmarsiiyo marka dadka xanuunsan faleebooyinka lagu surayo, suuf iyo sharootooyin.
Deeqdaas dawada ah waxaa lagu wareejiyay Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. C/llaahi Xaashi Kediye, wuxuuna mahadcelin ballaaran u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Toronto oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid deeqsi ah oo ka damqatay dhibaatada heysata walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho.
Dr. C/llaahi Xaashi Kediye waxaa uu intaas ku daray in Dawadan la soo gaarsiiyay ay wax weyn u tari doonto Caruur tiradoodu gaareyso 400 oo caruur ah, kuwaasi oo uu soo ritay xanuunka shuban biyoodka, sidoo kalena wuxuu hoosta ka xariiqay in ay dawadan ku filnaan doonto Isbitaalka muddo labo todobaad ah.
Guddoomiye ku xigeenka Ururka Samafalka Wadaniga ah ee Bani’aadam Eng. Abdulaziz Maio Mohamed ayaa ka warbixiyay deeqdaan sida ay ku soo gaartay wuxuuna sheegay in ay xiriir wada sameeyeen Ururka Human Concern International oo ka wakiil ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Toronto iyo Ururka Bani’aadam, iyagoo wada hadal kadibna isku af-gartay in Deeq Dawo ah la gaarsiiyo Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dandareysan yihiin Dad badan oo uu soo riday Cudurka Shubanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






