Talaado, May 01, 2007(HOL): Dowlada Federaalka Soomaaliya ugu danbeytii maasha ayeey ka saartay xoogagii kaga soo horjeeda Caasimada Muqdisho kadib daalo qaraar oo ay dad badani ku dhinteen kana dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho oo ah hada magaalo Nabdoon dadkii barkacayna dib ugu laabanayaan.
Laakiin Su’aasha Balaaran ee lays-weydiin karo ayaa ah “” waa maxay Talaabada xigta ee looga fidhiyo in ay qaado Dowlada Federaalku”” dabcan si aan looga dhigin hal bacaad lagu lisay Shacabkii ku dhintay Dagaaladii qaraaraa ee dhacay, iyo waliba kuwa ku waayay qaar ka mid ah xubnahooda qaaliga ah walina jiifa Isbataalada, dhanka kalana waxba kama jiraan aysan u noqon hantidii badneyd ee ku bur buray iska hor imaayadii dhacay, waxaa loo baahan yahay Ma’uuliyiinta sar sare ee Dowlada Federaalku in ay la soo Ifbaxaan Siyaasado cad cad oo wax weyn ka tari kara sidii dib loogu soo noleyn lahaa Qarnimadii Soomaaliya ee Bur bursaneyn mutada 17ka Sano ah.
Sidoo kale wax yaabaha ugu waa weyn ee looga fadhiyo Dowlada Federaalka waxaa qeyb ka ah Arimaha dib u hishiisiinta oo ah marka dhan laga eego tan kaliya ee Dowaladu ku taaba gali karto, gaar ahaan iyada oo arimaha laga soo bilaabayo gunta hoose, si markaa dhamaan dhinacyada is haya isku saamaxaan meeshana looga saaro colaad danbe oo dib u soo laabata.
Madax-weynaha Dowlada Federaalka C/laahi Yuusuf Axmed oo kol hore ku baaqay in la qabanayo shir dib u hishiisiin ah oo laga wada qeyb-galinayo dhamaan beelaha soomaalida walow markii hore uu dib uga dhacay waqtigii loo qabtay ayaa ah qodobka kaliya ee hadii lagu guuleysto hor seedi kara in laga wada qeyb-galo socdsiinta howlaha Dowlada, iyo waliba in Soomaalliya mar kale lagu arkayo Masrax Siyaasdeed ee Caalamka taasoo dan u wada ah Bulsho weynta Soomaalida Meel kasta oo ay joogto.
Talaabada Muqtaqbalka dhaw laga fili karo kadib Madaafiic laysku garaacay Gudaha Caasimadii dalka ayeey dad badani u arkaa mid ku xiran hadba sida ay arimaha u rog rogaan Mas’uuliyiinta Sar sare ee Dowladu oo ah kuwa ay ka go’do waqtigan talada ugu danbeysa ee ku aadan ayaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyadoo dhan kalana beesha caalamku xiligan u muuqato mid u soo jeeda ka miro dhalinta sidii Soomaaliya mar kale cagaheeda iskugu taagi laheyd, inkastoo ay jiraan Dowlado iyo waliba Kooxo caalami ah oo siweyn isugu dhabar jabinaya sii hurinta Colaada Soomaaliya, kuwaa oo waqtigooda Taariikhdu xusid doonta.
Sikastaba Bulshadu hada waa mid u bislaatay in ay helaan Qaran Soomaaliyeed waxaana ay ka soo daashay colaadihii isdaba jooga ahaa ee waliba lagu hoobtay, gaar ahaan kuwii ugu danbeeyay ee dhacay oo ah kuwo aan wali shacabka soomaaliyeed horay u soo marin, waana fursad u baahan in laga wada faa’ideysto si loo wada laabo baalasha Buugii mutada dheer Fidsanaa ee Colaada , lana fidiyo mid cusub oo ka turjumaya Qarnimo iyo Nabad waarta oo soomaalidu kuwa iloowdo Jidkii qalafsanaa ee la soo maray.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia






