15.8 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Is-rasaseyn ay dad ku dhinteen oo galabta ka dhacday Degmada Afgooye

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, April 30 (HOL) – Saddex ruux ayaa geeriyootay in kabadan 4 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii galabta ay gudaha magaalada Afgooye isku rasaaseeyeen laba ciidan oo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

 

Israsaaseyntan ayaa waxa ay u dhexeysaa ciidamada Asluubta dowladda Soomaaliya iyo ciidan kale oo lagu sheegay in ay ilaalo u ahaayeen gudoomiye ku xigeenka Degmada Afgooye.

 

Dadka geeriyooday ayaa gabi ahaanba waxa ay yihiin ciidamdii dagaallamayay hase yeeshe waxaa jira dad rayid oo uu dagaalkani dhaawac kasoo gaaray.

 

Ilaa iyo haatan ma cadda sababta rasmiga ah ee kadambeysay isku dhaca labadaasi ciidan inkastoo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu fadhigoodu yahay Degmada Afgooye oo HOL u warramayay ay sheegeen in arrintu ay ku dhacday si kadis ah isla markaana aanay oo aan arrimo kale wax xiriir ah la laheyn.

 

Hase yeeshee dad xog ogaal ah oo aannu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dhacdada maanta ay xiriir la leedahay arrimo dhinaca qabiilka ah iyadoo la sheegay in dhawaanahanba uu is jiid jiid iyo is baadi goob ka dhexeeyay labadaasi beelood.

 

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in mudooyinkanba ay labadaasi beelood isku hub uruursanayeen  isla markaana ay mid walba tan kale il gaar ah isaga eegeysay.

 

Is rasaaseyntani oo socotay muddo yar ayaa qaboowday kadib markii ay soo kala dhex galeen ciidamada bileyska dowladda Soomaaliya ee Degmada Afgooye.

 

Xaaladda Afgooye ayaa haatan aad u dagan hase yeeshee waxaa jirta cabsi baahsan oo ay qabaan dadka reer afgooye taasoo ku aaddan in ay iska hor imaadyadan oo kale soo laab-laabtaan.

 

Hiiraan Online

warar@hiiraan.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).