14.1 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Asmara ka sheegay in ay kooxaha Wax iska caabinta bedeleen Qaabkii Dagaalkooda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, April 30 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga fulinta Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Somalia, ayaa maanta magaalada Asmara kasoo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda Dalka.

Warsaxaafadeedka ay maanta sida wadajirka ah u soo saareen Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekha Axmed iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ka koobnaa toddoba qodob oo muhim kuwaasi oo looga hadlay xaaladda dalka Somalia, waxayna qodobada warsaxaafadeedka u qornaayeen sidan:

1- Joogitaanka ciidamada ku soo duulay dalka iyo ficillada isir sifeynta ah ee ay kula kaceen dadka soomaaliyeed, loona fuliyay si qorshaysan iyo waxa ka dhashay oo ah dil, burbur , barakac , xarigga joogtada ah iyo boobka hantida dadweynaha waxay muujinayaan in uu dalku ku jiro gumaysi.

2-Iska caabinta shacabka ee barakaysan kuna dhisan naf hurnimada waxay cadawga gaarsiisay khasaarooyin xooggan .

3- Wax iska caabintu waxay badashay istaraatiijiyadeedii dagaal , waxayna qaadatay istiraatiijiyad cusub oo ku haboon xaaladda cadawga. wayna soconaysaa inshaa ALLAH ilaa lagu guulaysto in dalka laga saaro cadawga .

4- In laga tanaasulo iska caabinta iyada oo uu gumaysigii jiro waxay u hiillinaysaa cadowga , waana arrin uusan marnaba aqbalayn shacabka soomaaliyeed .

5-Waxaa lagama maarmaan ah in uu shacabku ku baraarugo qorshaha lagu keenayo ciidamo shisheeye in uu yahay mid lagu xoojinayo gumeysiga dalka qabsaday, taasina waa arin aan marnaba la aqbali karayn.

6- Shacabka soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa meel kasta oo ay joogaanba in ay joogteeyaan wax iska caabinta aysanna aqbalina heeryada gumaysiga .

7- Waxaan ka xunnahay aamusnaanta beesha caalamka ee ku aadan waxa ka socda soomaaliya iyo xaaladda bani aadminimo ee gaartay meel aan la tilmaami Karin , sidaas darteed ayaa waxaan ugu baaqaynaa bulshada caalamka inay ka qayb qaataan bixinta ciidamada cadawga , nabad galyada dalka , iyo in gargaar degdeg ah lala soo gaaro shacabka soomaaliyeed .

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Guddoomiyaha Guddigii Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).