14.4 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay in aan la degi karin Xarumihii Dowladda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, April 30 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in aaney xarumihii Dowladda aysan ku soo noqon karin dad ka barakacay oo horay u deganaa, wuxuuna sheegay in ay xarumahaas u baahan tahay Dowladda Federaalka oo ku shaqeyneysa.

Ra’iisal Wasaare Geedi ma aanu sheegin in dowladda ay dib u dejin u sameyneyso dadkaasi, wuxuuna kaliya ku gaabsaday in ay dadkaasi dib ugu soo laaban karaan magaalada Muqdisho oo ay horay uga barakaceen.

Xarumo badan oo ay lahaan jirtay dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa waxay horay u deganaa dad ka soo barakacay gobollada dalka Soomaaliya iyo kuwo kale oo iska degay, iyadoo la xusuusan yahay in dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay ay qeyb ka mid ahaayeen dad diidan in laga saaro guryo ay dowladda leedahay oo ay deganaayeen.

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa kale oo uu ka digay in ay hub heystaan dadka rayidka ah, wuxuuna caddeeyay in aysan hub wada heysan karin Dowladda iyo dadka rayidka ah, “Dowlad iyo Dowlad ayaa hub isu heysan kara ee shacab iyo dowlad hub ma isu heysan karaan”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.

Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu ka hadlay hubka ay heystaan ganacsatada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay tahay in ay iyaguna hubka ku wareejiyaan Dowladda, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay in ay Dowladda ganacsatada hubkaas ka iibsaneyso.

Hadalka Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Dowladda Federaalka ay la wareegtay gacan ku heynta magaalada Muqdisho kadib dagaallo culus oo muddo bil ah ka socday, kuwaasi oo ay waxyeello ka soo gaartay dad badan oo rayid ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).