Axad, April 29 2007(HOL): Kadib shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddi metelayay Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa gunaanadkiisii waxaa ka soo baxay qodobo ay ka mid ahaayeen in ay ganacsatada Muqdisho ay Dowladda kala shaqeeyaan sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kulankaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulankii uu la yeeshay ganacsatada uu is-af-garad ku soo dhamaaday, isagoo carrabka ku dhuftay in uu ganacsatada u gudbiyay farriin ah in ay muddo 36 saacadood gudahood ah ay hubkooda ku soo wareejiyaan.
Kulanka dhexmaray Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa kale oo ka soo baxay in kaarar aqoonsi ah loo sameeyo 200 oo nin oo ilaalo ka ah shirkadaha waa weyn ee ku yaala Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo horay u sugi jiray nabadgelyada Suuqa Bakaaraha intii ay socdeen Dagaalladii Muqdisho.
Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay kulan ka leeyihiin fariinta uga timid dhinaca Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku saabsan in ay hubkooda ku wareejiyaan muddo 36 saacadood gudahood ah.
Amarkan ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ciidamada Mileteriga iyo kuwa Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ay howlgallo hub uruurin ah ka wadaan magaalada Muqdisho, iyadoo la ogyahay in ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho ay heystaan hub aad u tiro badan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






