15.8 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in ay la hadlayaan cid kasta oo aan Dagaal wax ku dooneyn

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, April 28 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federeraalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay iyo sida ay haatan tahay Xaaladda Muqdisho.

 
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay ay ahaayeen kuwo u dhaxeeyay kooxo ka haray Maxkamadihii Islaamka iyo kooxo kale oo dhinaca dhaqaalaha ka kaalmeynayay, kuwaasi oo uu sheegay in ay in muddo ah weerarro ku soo qaadayeen Xarunta Villa Somalia iyo fariisimo kale oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Itoobiya ee caawinaya.
 
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in haatan ay magaalada Muqdisho xasiloon tahay, sidaas darteedna wuxuu dadkii ka barakacay ugu baaqay in ay dib ugu soo noqdaan. Madaxweyne Yuusuf oo tacsi u diray dadkii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay dagaalladii Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aysan ujeedkooda ahayn in ay ku dul dagaalamaan dadka rayidka ah balse lagu qasbay.
 
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu shirkiisa jaraa’id si cad ugu sheegay in ay Dowladda Federaalka la hadleyso cid kasta oo aan dagaal wax ku dooneynin, isla markaana gar wadata, wuxuuna dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed uga digay in mar kale la geliyo dagaal lagu hoobto oo ay ka dambeeyaan dad dano gaar ah wata.
 
Hay’adaha Samafalka ayuu ugu baaqay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadkii ku barakacay dagaalladii Muqdisho, gargaarkaas oo isugu jira mid caafimaad, nafaqo iyo hooy, wuxuuna madaxweynaha carrabka ku dhuftay in ay Hay’adaha Gargaarka isticmaali karaan garoomada Soomaaliya oo dhan, isagoo caddeeyay in ay ammaanka hay’adaha gargaarka sugi doonto Dowladda Federaalka.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka jaraa’id ee uu maanta qabtay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo gacan ku heynta magaalada Muqdisho ay la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu Muqdisho timid dabayaaqadii sanadkii hore, xiligaasi oo ay gacan ku heynta Muqdisho kala wareegeen Maxkamadihii Islaamka.
 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).