15.8 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Ciidamada dowladda federalka oo howl-gal hub lagu baarayo ka bilaabay goobihii ay la wareegeen

- Advertisement -spot_imgspot_img
Jimco, 27, Apri. 2007 (HOL) Ciidamada Dowlada Federaalka iyo  Cutubyo ka Tirsan kuwa Xukumada Itoobiya ayaa bilaabay baaritaano lagu baadi goobayo hub wali ku sii haray xaafadaha Qaar gaar ahaa goobihii ay ka socdeen dagaaladii ugu darnaa ee ka dhacay Caasimada Maalmihii aynu ka  soo gudubnay,
 
Goobaha ugu daran ee Ciidamadu Howl-galkan ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Aga-gaarka Warshadii Caanaha, iyo waliba Jidka 30ka oo maanta lagu arkay Ciidamado aad u hubeysan oo galaya Guryaha Qaar islamarkaana dadka Su’aalo weydiinaya,  waxaana ka mid ah Su’aalaha ugu badan ee dadka la weydiinayay bal in ay wax ka og-yihiin hadii ay jiraan shaqsiyaad ka tirsan kooxihii dagaalamayay oo wali xaafadaha ku dhuumaleysanaya iyo hub wali ku harsan   Goobaha qaar, waxaana intii  uu socday howl-galka baaritaan ciidamadu horay u qafaasheen dad la tuhusan yahay sida ay iyagu qabaan in ay lug ku leeyihiin dagaaladii ka dhacay Muqdisho.
 
Dhanka kale waxaa caadi ku soo noqday dhaq-dhaqaaqa watooyika qaar Gudaha magalada Muqdisho  kuwaasoo xirmay xiligii dagaaladu socdeen, waxaana ka mid ah watooyinka hada dadku sida caadiga ah u istimaalayo, watooyinka Shiirkole, Fagax, Cali kamiin, iyo waliba kuwo kale, iyada oo maatana sidoo kale lagu arkayay xaafaha qaar magaalada Muqdisho dad soo fiir fiirinaya hoygii ay daganaayeen halka goobaha qaarna dadku isagaba soo noqday.
 
Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowalada Federaalka oo soo mar maray goobihii ay ka dhaceen dagaalada ayaa dadka ugu baaqay in is dajiyaan lana shaqeeyaan ciidamada Dowlada si loo sugo amaanka Guud loogana hortago sida ay hadalka u dhigaan kooxaha qaska wada.
 
Magaalada Muqdisho ayaa mudo hal Todobaad ah waxaa ka dhacay Dagaal kii ugu xumaa oo soo maray Caasimada 16sano ee la Soo dhaafay kaasoo sababay Dhimasho, Dhaawac, Bur bur hantiyeed, waxaana intaa dheer sida la Rumeysan yahay in dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacaya Caasimada dad Faro badan haba ugu darnaadaan Caruurta iyo waliba dadka da’da ah ay gaarsiiyeen dhawac dhinaca Maskaxda ah sida ay qabaan qaar ka mid ah dhaqaatiirta ku sugan Magaalada Muqdisho.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).