Jimco, 27, Apri. 2007 (HOL)  Ciidamada Dowlada Federaalka oo garab-sanaya kuwa Xukuumada ay saaxiibka dhaw yihiin ee Itoobiya ayaa Maalintii shalay waxaa u suurta gashay in ay meesha ka saaraan kooxihii ay mutada ka badan halka Bil ay isku hayeen gudaha Caasimada Muqdisho oo hada dhamaan la oran karo waa mid gacanta ugu wada jirta.
 
Laakiin Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladu markii ay gaareen goobihii markii hore ay gacanta ku hayeen kooxihii ka soo horjeeday durbaba meelaha qaar gudaha u galeen iyaga oo ka qaatay dhamaan wixii qalab ah ee yiilay.
 
Goobaha eedeymaha kulul looga soo jeedinayo Ciidamada Dowlada ayaa waxaa ka mid ah Shirkada soo saarta Cabitaanka Coco-Cola oo Maamulaheeda  Bashiir Max’ed Caraale ku Eedeeyay Ciidamada Dowlada in ay gudaha u galeen shirkada kana qaateen wixii halkaa yiilay oo sida uu sheegay ay ku jiraan Qalabkii  Computerada ee looga shaqeynaya Xafiisyada Shirkada,  waxaana Maamuluhu intaa ku daray in arimahaa jawaabtooda uu uga fadhiyo Mas’uuliyiinta sare ee Dowalada.
 
Sidoo kale wararku waxaa ay intaa ku darayaan in ay jiraan goobo kale oo Bililaqo laga geeystay lana qaatay Qalabkii yeelay,  qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka oo arintaa wax laga weydiiyay ayaa sheegay in  ay jiraan Kooxo dhalin yaro ah oo arimaha ka faa’ideysanaya, laakiin uusan jirin warka sheegaya in Ciidamada Dowladu geysteen Boob iyo Dhac bareer,  hadiise arimahaa oo kale dhaceen la baarayo.
 
Dhanka kale waxaa degan goobahii Maalmihii aynu soo dhaafnay dagaalada Xoogani ka dhaceen sida Fagax, Jamhuuriya, Hotelka Ramadaan, Towfiiq, Huriwaa, iyo waliba Ex-Kontarool Barcad oo dhaaman hada ay gacanta ku dayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya ee is garab sanaya, halka dhinaca kale markiii ugu horesay maanta lagu arkay Ciidamada Itoobiya iyaga oo jooga Jidka 30ka tan iyo wixii ka danbeeyay markiii laga Adkaaday Midowgii Maxkamadaha ee mutada 6 Bilood ah inta badan K/soomaaliya ka talinayay.
 
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online