15.8 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Ciidamada Itoobiya oo goor dhaw la wareegay gacan ku heynta Ex Control

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, April 26 (HOL) – Ciidamada  Itoobiya ayaa waxa ay goor dhaweyd la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ex Control Balcad ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisha.

 

Ciidamada itoobiya ayaa halkaasi tagay iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah oo sidaasi u sii badan iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in xoogaga la dagaallamaya Itoobiya ay halkasi uga gurteen xeelad dagaal .

 

Ex Control waxa ay kamid aheyd goobaha ay sida aadka ah ugu xooggan yihiin xoogaga kasoo horjeeda ciidamada itobiya .

 

Qaar akmid ah gawaarida gaashaman ee ciidamada itoobiya ayaa waxaa lagu arkayay xaafadda Ex Control gaar ahaan halka loo yaqaanno Baar walaalaha mana jiraan haatan wax dagaallo ah oo sidasi usii buuran oo halkaasi ka soconaya.

 

Wixi warar ah oo arrintaasi kusoo kordha dib ayaannu idinkala soo socodsiin doonnaa

 

Hiiraan Online

warar@hiiraan.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).