Khamiis, April 26 2007(HOL): Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa maanta saxafiyiin geeyay goobo ay la wareegeen gacan ku heyntooda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladda Itoobiya ee gacanta siinaya.
 
Suxufiyiintan oo isugu jiray kuwo gudaha ah iyo kuwo Dibadda ka yimid ayaa la geeyay deegaanadii ay dhawaanahan ku dagaalamayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, waxaana goobaha la geeyay ka mid ah Fagax, Ramadaan, Towfiiq iyo Ex-Koontarool Balcad.
 
Suxufiyiintan ayaa markii la geynayay goobaha ay gacan ku heyntooda la wareegtay Dowladda Federaalka waxaa meelaha qaar ka dhacayay Rasaas ay isku ridayeen dhinacyada dagaalamaya, iyadoo ay sii dheer yihiin madaafiic waa weyn oo ay Magaalada Muqdisho ku garaaceen Ciidamada Dowladda Itoobiya.
 
Dhanka kalena, Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladda Itoobiya ee gacanta siinaya ayaa weli waxay ka dagaalamayaan xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, inkastoo xaafadahaasi ay yihiin kuwo bartamaha magaalada ku yaala oo aaney weli gelin ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee ka dhinac dagaalamya.
 
Kooxaha wax iska caabinta ah ee Muqdisho ku sugan ayaa dagaallada fool ka fool ah ee ay kula jiraan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya waxaa ay ku soo bilaabeen qaab ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, iyagoo weerarro madaafiic loo adeegsaday u geysan jiray Xarumaha ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo fariisimad Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, ilaa iyo haatan wax war ah kama soo bixin Odayaasha Beesha Hawiye ee sheegay in ay dagaalka kula jiraan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, marka laga reebo in ay Dowladda Federaalka sheegatay in ay guulo ka gaartay dagaalka beryahan Muqdisho ka socday.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia