14.4 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay in ay soo af-jarmeen Dagaalladii Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img
Khamiis, April 26 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in inta badan uu soo af-jarmayo dagaalkii ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay kula jireen kooxaha ka soo horjeeda.
 
Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka oo garabsanaya Ciidamada Dowladda Itoobiya ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano badan oo ay horay ugu sugnaayeen xooggagga ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.
 
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in aan aar-goosi lagula kici doonin maleeshiyaadkii ka soo horjeeday Dowladda Federaalka haddii ay isa soo dhiibaan, wuxuuna ugu baaqay dadka hubka heysta ee aan dagaallada ku lugta lahayn in ay guryahooda joogaan oo aysan hubka dibadda ula soo bixin, isagoo sidoo kalena Ciidamada Dowladda Federaalka ku amray in ay sii baacsadaan kooxo uu ugu yeeray haraagii argagixisada.
 
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan, bacdamaa sida uu yiri ay soo af-jarmayaan dagaalladii Muqdisho ka socday mudada todobaadka ka badan, wuxuuna caddeeyay in ay Dowladda Federaalka wax u qaban doonto dadkaas barakacay.
 
Shirkan jaraa’id ee uu qabtay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saakay magaalada Muqdisho uu ka dhacay dagaal aad u xooggan oo ay si weyn uga qeybgaleen Ciidamada Dowladda Itoobiya oo adeegsanaya Taangiyo iyo madaafiicda BM-ka, kuwaasi oo laga soo tuurayay ilaa afar saldhig oo ay Ciidamada Itoobiyaanka Muqdisho ka degan yihiin.
 
Dagaalka saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu xooggiisa ka dhacay Xaafado ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Wardhiigley iyo Huriwaa, iyadoo lagu soo waramayo in Taangiyo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya ay gaareen Ex-Koontarool Balcad, halkaasi oo ay si weyn ugu xooggaanayeen Kooxaha Hubeysan ee dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.
 
Inkastoo uu Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi sheegayo in uu soo af-jarmayo dagaalka Magaalada Muqdisho, hadana waxaa weli ka socda xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho dagaallo xooggan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dagaalladaasna ay ka socdaan goobo maalmahan xasiloonaa sida xaafadda Xamar Bile iyo Isgoyska Florenza ee degmada Wardhiigley.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaallada Muqdisho ka socda oo maanta galay maalintii 8aad ayay Dowladda Federaalka ku adkeysaneysaa in ay dagaal ku soo af-jarto, halka ay Odayaasha Beelaha Hawiye ee sheegtay in ay dagaalka kula jiraan Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalkana ay sheegayaan inuu xiriir wada hadal ah dhexmaray Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.
 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).