Khamiis, 26, Apri. 2007 (HOL)  Ciidamda Itoobiya ee Fadhigoodu yahay deegaanka Jante-guudisho  ayaa mar kale gacanta ku dhigay hub iyo Rasaas ku sii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho kuwaa oo saarnaa labo gaari oo noocu yahay (Diskoo) sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahaa markii hubkaasi lala wareegayay.
 
Hubka la qabtay oo sida la sheegay ay ku jireen wax yaabaha qarxa oo ay ka mid yihiin kuwa loo adeegsado Tankiga, ayaa markii hore gawaarida la qabtay isku dayeen in ay kala wareegtaan barta koontarool ee u taala Itoobiyaanka Jante-guudisho lakiin aan suurta galin, sida uu sheegay mid ka mi ah dadkii saarnaa gawaarida hubka lagu qabtay oo soo gaaray magaalada gudaha Magaalada.
 
Ilaa hada lama oga hubkaasi in uu ahaa mid ganacsi iyo waliba in loo adeeg sanayay dagaalada ka socda Caasimada Muqdisho, waana markii labaad oo ay ciidamadu hub noocaa oo kale ah gacanta ku dhigaan, waxaana xusid  mudan in Deegaanka Jante-guudisho ee fariisinka u ah ciidamada Itoobiya la oran karo waa goob istiraatiji u ah marinka gobalada,dhawaan ayeey aheyd markii sidan oo kale ciidamadu ula wareegaan hub saarnaa mid ka mid ah gadiid xamuulka ah ee isticmaala watada Gobalada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online