Axad, 22, Apil. 2007 (HOL) Warka soo Baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee Dalka Eritrea ayaa lagu sheegay in Xukuuda Eritrea isaga Baxday Urur Gobaleedka IGAD oo sida warka ka soo baxay Wasaarada lagu sheegay in Wadamada Qaarkood ee ku jira Yihiin kuwo colaad ka hurinaya Mandiqada Gobalka oo idil.
warka soo baxay Wasaarada ayaa ah mid shaaca ka qaadaya xiriirka aan wanaagsneyn ee in dhawaaleba u dhaxeeyay Xukuumada Eritrea iyo waliba Wadamada ku jira Ururka IGAD, oo ay ka mid tahay Dowlada Itoobiya oo hada ciidankeedu dagaal xoogan kula jiraan Gudaha magaalada Muqdisho xoogag ka soo horjeeda.
sidoo kale warka ka soo yeeray Dowlada Asmara ayaa loo maleynayaa in uu jawaab u yahay kulan dhawaan ay ku yeesheen Dalka Kenya Qaar ka mid ah wadamada ku jira Ururka IGAD oo bogaadin loogu jeediyay Xukuumada Itoobiya oo sida kulanka laga sheegay wax badan ka qabatay qatar cad ku soo fool laheyd Gobalka Bariga Africa, waxaana kulankaasi waqtigaa Dowalada Eritrea ku tilmaamatay in uu ahaa mid wax u dhimi kara jiritaanka Ururka iyada oo hadana shaacisa in ay isaga baxday.
dhawaan ayaa waxaa si wada jir ah looga canbaareyay dowlada Eritrea kulan ka dhacay Magaalada Adis Ababa oo ay yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka iyo waliba Xukuumada Itoobiya iyada oo lagu Tilaamay in ay tahay mid ka soo horjeeda nabad ka hana qaada Dalka soomaaliya, gaar ahaan waxaa ay eedeyntaasi u cuskadeen Mas’uuliyiintu in Magaalada Asmara in ay fadhi ka dhigteen kooxaha ku kacsan Siyaasada Dowlada oo hada qaar kood laga qaaday Mas’uuliyadii ay ka hayeen dhamaanba Dowlada Federaalka.
Urur Gobaleedka IGAD ayaa waxaa ka mid ah wadamada, Soomaaliya, Itoobiya, Suudaan, Jabuuti, Uganda, Kenya, iyo waliba Eritrea oo hada iyadu sheegtay in aysan ku jiran Ururka IGAD.
C/raxmaan Diini Hiiraan Online