
Sabati, 21, Apri. 2007 (HOL) R/Wasaaraha Dowlada Federaalka Cali Max’ed Geedi oo la hadlay Qaar ka mid qalabka Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho la sii wadi doono tan sida uu hadalka u dhigay R/iisul wasaaruhu meesha lag saarayo kooxo uu ku tilmaamy in ay ku xiran yihiin Arga-gixisada.
R/iisul Wasaaraha oo ka hadlayay Qodobo dhowr ah ayaa ugu horeyn soo qaatay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay in Ciidamada Dowlada Federaalka oo garabsanaya kuwa Itoobiya guul waaweyn oo la tabaan karo ka soo hooyeen dagaalka lala galay sida uu yiri kooxaha ka soo horjeeda, waxaana uu intaa ku daran in hada la oran karo Dowalada Federaalku iyada ayaa gacanta ku heysa dhamaan Caasimada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu sharaxaad kooban uu ka bixiyay cida ay Isaga la tahay in uu u dhaxeeyo Dagaalka Muqdisho, waxaan uu sheegay in dagaalku yahay mid u dhaxeeya sida uu yiri Ciidamada Dowlada oo kaashanaya kuwa Xukuumada Itoobiya iyo waliba kooxo uu ku tilmaamay in xiriiir qoto dheer la leeyihiin Ururka Al-qaacida, waxaana uu intaa ku daray in hada la sii wiiqayo awooda kooxahaasi.
Hadalka R/iisul wasaare Geedi oo u muuqday mid lagu soo beegay dagaalka ka socda Caasimada Muqdisho ayuu sidoo kale kaga hadlay wax uu kala socdo wada hadalo la sheegay in u socdaan sarakiisha Ciidamada Itoobiya iyo waliba Odayaal ka soo jeeda beesha Hawiye, waxaa uu sheegay in uusan ka warqabin Odayaal ka turjumaya Magaca Beesha Hawiye, lakiin waxaa uu yiri Idaacadaha ayaan ka Maqlayay Odayaal leh marna hishiis xabad joojin ah ayaan qaadanay marna sida uu isagu hadalka u dhigay Itoobiya dalka ha ka baxado oo ah ayuu yiri hadalo aan Micno badan laheyn.
Dhanka kale waxaa uu R/iisul wasaare Geedi soo hadal qaaday dadka shacabka ah ee wali ku harsan goobaha dagaaladu ka socdaan isaga oo ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan inta ku harsan xaafadaha la bar tilmaameed sanayo ay isaga guuraan, si loo yareeyo ayuu yiri wax yeelo soo gaarta dadka rayidka ah, taasoo u muuqata in dagaalku wali halkiisii yahay siina socon doona,
Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyay ee xaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhinacyada is haya gabalku u dhacay, lagana yaabo in Dagaalku halkiisa ka sii socdo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online