13 C
London
Monday, October 27, 2025

DUQEYNTA MAGAALADA MUQDISHO OO LAGU TILMAAMAY IN AY LA MID TAHAY TII 30KII BISHII MARSO KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHU

- Advertisement -spot_imgspot_img
Sabti, 21, Apri. 2007 (HOL)  Wararkii ugu danbeeyay ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoog leh ay u geyteen Magaalada Madaafiicdii ay iswey-daarasanayeen dhinacyada Isku haya Caasimada, waxaana dagaalka Maata dhacay lagu sheegay in uu ahaa mid la mid kii dhacay 30, Marco ee ina dhaaftay marka loo eego kuwii ka horeeyay.
 
Madaafiicda ka dhaceysa Qoryaha hoobiya iyo waliba BMka oo ah kuwa ugu badan ee dhinacyadu isugu jawaabayaan ayaa waxaa ay ku dhacayeen xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho oo markii hore ahaa kuwo uusan dagaalku gaarsiisneyn, waxaana ka mid ah goobaha ugu daran ee Madaafiicdu ku dhacayeen Xaafaha, Al-baraka, C/siis, Juun-gal, shibis   Yaaqshiid, Cali-kamiin  Huriwaa, iyo waliba xaafado kale oo iyagu ka fog goobaha dhinacyadu isku hayaan, kuwaasoo dhamaantood waxyeelo ba’an gaarsiiyay dad u badan shacabkii ku dhaqnaa xaafadaha madaafiicdu ku dhaceysay.
 
Qasaaraha dagaalkii Maanta dhacay Ee laga helayo goobaha caafimaadka ayaa sheegaya in ay gaarayaan ilaa 45 Ruux oo siyaabo kala duwan ugu dhintay dagaalka, kuwaas oo ah inta laga helayo Isbitaalada, iyada oo wali ay jir karaan kuwo wali ku jira xaafadaha oo aan waqtigu u saamixin in dibada loo soo saaro,  sidoo kale goobaha caafimaadka ayaa iyaa intaa ku daraya in dagaalka maanta dhacay oo kaliya ay ku wayeeloobeen dad ka badan 150 ruux oo isugu jiray kuwo Rasastu haleeshay iyo waliba qaar kale oo ay madaafiicdu ku dhacday.
 
Qasaaraha ee isa soo taraya ayaa  ka dhigaya dagaaladii ugu danbeeyay kuwo dhimashada ka sii badinaya ilaa 200 oo Ruux,  oo u badan dadka Rayidka ah ee ku dhax jira Awoodaha loo lamaya, sida uu ku sheegay Wariye Salaad Xiis Duqeyntii Maanta ayaa wax yaalo gaarsiiyay Idaacada Horn Afric oo Madaafiic ku dhacday ay ku dhaawacmeen labo ka tirsan shaqaalaha Idaacada oo kala Wariye yaxye Cali Faarax iyo waliba Kaamire Qaade ka shaqeynayay isla Idaacada, Mana markii ugu horeysay oo dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho wax yeelo ka soo gaarto Idaacadaha Magaalada ee waxaa horay Hawada uga baxday Idaacada GBC oo wax yeelo kala kualantey Madaafiicda laysku ridayo.
 
sidoo kale Wariye Xiis waxaa uu sheegay in Dagaalkii Maanta uu sababay in uu xanibo isku socodkii dadka caadiga ah, iyo walliba dhamaan adeegyadii Bulshada, waxaana sidoo kale Albaabada maanta loo laabay suuqyadii waaweynaa ee Magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Suuqa weyn Ee Bakaaraha, Dagaalkuna hada galabka ayaa u dhacay dhinacyaduna wali waa ay is horfadhiyaan.
 
Mar walba kala soco wixii ku saabsan dagaalka HOL
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).