13 C
London
Monday, October 27, 2025

WASIIRKA GADIIDKA CIRKA IYO DHULKA EE DOWLADA FEDERAALKA OO BEENIYAY IN DOWLAD FEDERAALKU XAYIRTA SIDII LOO GAR GAARI LAHAA DADKA BARAKACAY.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Sabti, 21, Apri. 2007 (HOL) Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Dowlada federaalka Soomaaliya Max’ed Ibraahim Xaabsade oo ka jawaabay Eedeyn loo soo jeediyay Dowlada Federaalka oo ku saleysan sidii Gar gaar loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan ee ka cararaya dagaalada ba’an ee ka socda caasimada Muqdisho ayaa sheegay in Eedeyntaasi tahay mid waxba kama jiraan ah islamarkaana Dowladu mar walba ka fakirayso gaarsiinta gar gaarka lagama maar maanka ah ee loo fidinayo dadka Baro-baxay.
 
Xaabsade waxaa uu sheegay in mar hore Dowladu arintaa ka Fakirtay islamarkaana diyaarisay Garoomo ay isticmaali karaa Hay’adaha Samafalka si ay u soo dijiyaan wax yaabaha ay u baahan yihiin si dadka loo gar gaaro, isaga oo intaa Raaciyay in Hay’aduhu laftirkooda ka gaabiyeen doorkii looga baahnaa.
 
Wasiirka oo soo hadal qaaday Garoomada ilaa hada diyaarka u ah duulimaadyada Hay’adaha ayaa sheegay in ka mid yihii sida, Garoomada Diyaaradaha ee Muqdisho, Bali-doogle, No,50., kismaayo, Bay, Xudur, Waajid, B/weyn, iyo waliba Kaal-kacyo oo dhamaantood uu ku sheegay in yihiin kuwo ay ka dagi karaa duulimaadyada Hay’adaha samafalka.
 
jawaabta uu bixiyay Wasiirka Dowlada u qaabilsan arimaha Gadiidka Cirka iyo waliba dhulka ayaa ka danbeeyay war uu sii daayay sarkaal sare oo u hadlay Hay’adaha samaflka oo sheegay in dhibaato lagala kulmayo sidii loo gar gaari lahaa dadka ku dhibaateysan qeybo kala duwan oo dalka ah kuwaasoo dhamaantood ka cararay dirirta ka socta caasimada, Maadaama aysan jiri goobo dadkaasi loo sii mariyo gar gaarka ay u baahan yihiin,  gaar ahaa isaga oo ku eedeeyay dowlada Federaalka in ay ka gaabisay gacantii looga baahnaa in ay arintaasi ka qaadato.
 
C/ramaan diini, hiiraan online

diini@hiiraan.com 
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).