13 C
London
Monday, October 27, 2025

DAGAAL CULUS OO WALI KA SII SOCDA CAASIMADA MUQDISHO IYO WALIBA BEESHA HAWIYE OO SHEEGTAY IN JABTAY XABAD JOOJINTII HORAY LOOGU BALAMAY.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Jimco, 20 April. (HOL) Waxaa sii xoogeytay Maalintii labaad Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya ee Taageeraya kuwa Dowlada Federaalka iyo waliba kooxaha ka soo horjeeda, Dagaalka maata oo Xoogiisa laysku adeesanayo Madaafiicda ka dhaceysa Qoryaha BMka iyo waliba Hoobiyaha ayaa wararka ka soo baxaya Magaalada Muqdisho waxaa ay sheegayaan in uu ku sii fidayo qeybo hor leh  oo markii hore uusan dagaalku gaarsiisneyn.
 
Marka laga soo tago goobaha ay isku hor fadhiyaan dhinacyada isku haya Caasimada, waxaa maanta siweyn duqeyntu ugu dhacday xaafado ka fog fog goobaha lagu dagaalamayo, walow aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka hada soconaya oo ah mid kii culus kii maalintii shalay dhaxmaray labada dhinac ee iska soo horjeeda.
 
Duqeynta xaafadaha oo ah tan ugu daran ee dagaalka ayaa waxaa ka mid ah meelaha sida weyn sameynta ugu yeelatay, Xaafadaha Fagax, Juun-gal, Jamhuuriya, Shibis, Huriwaa, halka warar goor dhaw soo baxayna ay sheegayaan in duqeytu mar kale gaartay Suuqa-weyn ee Bakaaraha oo maalintii shalay Madaafiic ku dhacday ay ku dhinteen in badan 9 Ruux.
 
wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in saacad walba dagaalku ka sii cuslaanayo halkii markii hore uu joogay, iyada kii ugu danbeeyayna dhinacyadu si fool ka fool ah isku arkeen,
 
dhanka kale C/laahi Shiikh Xasan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Beesha Hawiye ee qeybta ka ahaa wada hadaladii u socday dhinaca Beesha iyo Waliba Saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay in Xabad joojintii Muqdisho Jabtay islamarkaana lagu eedeynayo in ay jabiyeen dhinaca sida uu hadlka u dhigay Dowlada Itoobiya oo sida uu sheegay iyadu soo qaaday weerarka dagaaladan ugu danbeeyay,
 
Dagaalkii maalintii shalay dhacay ayaa la Rumeysan yahay in ay ku naf waayeen in ka badan 20 Ruux halka ku dhawaad 100 ay ku dhaawacmeen,  waxaana wali ka jira Caasimada Qul-qulka dadka ka barakacaya xaafadaha ku dhaw dhaw goobaha dagaalku ka socdo.
 
C/raxmaan diini, hiiraan online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).