Khamiis, April 19, 2007(HOL): Gaari Ural ah oo ay wateen Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Deegaanka Lafoole ayaa la qarxiyay, waxaana halkaas ku dhintay, kuna dhaawacmay askartii gaarigaas saarnaa oo tiradoodu ay ku dhaweyd 12 Askari, inkastoo uu iyana dhaawac soo gaaray rakaab saarnaa gaari Mini Bus ah oo daba socday Gaariga Qaraxa uu qabsaday.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa sababay qaraxaas, waxayna dadka qaarkiis sheegayaan in qaraxaas uu ahaa Baasuuke lagu ganay Gaarigaas ay saarnaayeen Ciidamada Itoobiyaanka, halka warar kalena ay sheegayaan in Qaraxa uu ka dhashay Miino Wadada hareeraheeda loo dhigay Ciidamada Itoobiyaanka.
Markii qaraxaas dhacay kadib ayaa waxaa goobta qaraxa ka dhacay tegay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhinaca Degmada Afgooye, kuwaasi oo qaaday Meydkii iyo Dhaawacii Askartii Itoobiyaanka ahayd, iyagoo sidoo kalena hakad geliyay isu socodka gaadiidka isticmaala wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye.
Deegaanka Lafoole ee uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku sugan dad badan oo ka qaxay dagaalladii Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo saakay si weyn u argagaxay kadib markii uu dhegahooda ku soo dhacay dhawaqa qarax weyn oo lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo halkaasi marayay.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa waxay bartilmaameed u yihiin kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya, waxaana had iyo jeeraale lala beegsadaa fariisimada ay degan yihiin iyo waddooyinka ay marayaan madaafiic.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dadka ka qaxay Magaalada Muqdisho ee ku sugan inta u dhaxeysa Xamar iyo Afgooye ayaa saakay waxay malqeen qaraxii ay Xamar uga soo tageen, waxayna taasi dadka qaarkiis ku abuurtay wel wel ah in aaney sii joogi karin halkaas, bacdamaa ay soo maraan siina maraan ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho yimaada iyo kuwa ka baxaya, kuwaasi oo bartilmaameed u ah kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia