13 C
London
Monday, October 27, 2025

Baydhabo oo Bandow lagu soo rogay

- Advertisement -spot_imgspot_img
Khamiis, April 19, 2007(HOL): Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku waabariisatay bandow uu ku soo rogay maamulka Gobolka Bay, kaasi oo la sheegay in wax looga qabanayo falal nabadgelyo darro ah oo dib uga soo cusboonaaday Magaaladaas.
 
Bandowgaas oo xalay ka dhaqangalay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dadka loogu sheegay in aysan jirin cid hub ku dhex qaadan karta magaalada Baydhabo, iyadoo ciddii amarkaas u hoggaansami weysana loo sheegay in sharciga la hor geyn doono.
 
Taliyaha Ciidamada Booliska Baydhabo Aadan Biid ayaa sheegay in bandowgaas uusan ku koobneyn kaliya magaalada Baydhabo, isla markaana uu bandowga saameynayo degmooyinka kale ee Gobolka, wuxuuna dadka Degmooyinka Gobolka Bay ugu baaqay in ay u hoggaansamaan amarka bandowga ah.
 
Taliyaha wuxuu sidoo kale ugu baaqay Hay’adaha Samafalka in ay diiwaangeliyaan hubkooda, si loogu koontaroolo, isla markaana loola socdo dhaqdhaqaaqooda, isagoo uga digay Hay’adaha in ay ka dhego adeygaan awaamiirta la faray.
 
Ma ahan markii ugu horeysay oo Bandow lagu soo rogo Magaalada Baydhabo, dhowr jeer oo hore ayaana bandow lagu soo rogay kadib markii ay falal nabadgelyo darro ah ka bilowdeen Magaaladaas oo weli fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).