Khamiis, April 19 2007(HOL): Dagaal aad u culus oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka bilowday Deegaanka Fagax ee Degmada Yaaqshiid, halkaas oo horay ay ugu dagaalami jireen Ciidamo Soomaali ah oo kala taageerayay Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Dagaalka maanta ka bilowday Deegaanka ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo saakay halkaas gaaray iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya, waxaana lagu soo waramayaa in madaafiic ay labada dhinac isu adeegsanayaan ay haatan ku dhacayaan xaafadaha Juungal iyo Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee tagay Deegaanka Fagax ayaa waxay wel wel iyo walaac hor leh ku abuureen dadka ku dhaqan xaafadaha u dhow halka ay labada dhinac ku dagaalamayaan, iyadoo labadii maalmood ee u dambeysay ee deegaankaas ka jirtay xasilooni suurtagelisay in ay dib guryahooda ugu soo laabtaan dadkii ka barakacay.
Dagaalka oo si xooggan u socda ayay labada dhinac isugu adeegsanayaan Madaafiicda Hoobiyaha iyo BM-ka, kuwaasi oo ay labada dhinac is-weydaarsanayaan, wuxuuna dagaalka ka dhacayaa inta u dhaxeysa Towfiiq iyo Fagax, inkastoo ay iyana ay rasaas ka soo dhaceyso dhinaca Hotelka Ramadaan.
Dhanka kalena, waxaa xalay ilaa saakay ku dhacayay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho madaafiic waa weyn oo ay dad rayid ah wax ku noqdeen, kuwaasi oo la sheegay in laga soo tuuray Xarunta Madaxtooyada iyo Wasaaraddii Gaashaandhigga, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah, walow madaafiicdaas ay ganeen Itoobiyaanka kadib markii Xarunta Madaxtooyada lagu weeraray Madaafiic hoobiyayaal ah.
Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay sheegeen Odayaasha Beelaha Hawiye in Saraakiishii Itoobiyaanka ahayd ee ay wada hadallada la lahaayeen ay u sheegeen in ay ka baxaan xarumihii ay dagaallada ku qabsadeen, wuxuuna Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali uu sheegay in Saraakiisha Itoobiyaanka ay diidan yihiin in ay fuliyaan qodobo ka soo baxay heshiisyo hordhac ah oo ay ka gaareen dagaalkii dhawaan Muqdisho ka dhacay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia