13 C
London
Monday, October 27, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Dalka ka dhoofay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, April 18, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, isagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
 
Faahfaahin lagama bixin ujeedada socdaalka madaxweynaha oo ahaa mid aan horay loo sii sheegin, inkastoo la sheegayo in uu Madaxweynaha socdaallo ku kala bixinayo dalalka Kenya iyo Itoobiya.
 
Socdaalka madaxweynaha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeenkii xalay ahaa uu magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal aad u culus, kaasi oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dagaalkaasina uu ahaa mid u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo taageero ka helayay Ciidamo Itoobiyaan ah oo Muqdisho jooga iyo kooxo ka soo horjeeda oo madaafiic la beegsaday xarunta Villa Somalia ee fariisinka u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
 
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu Muqdisho yimid waxaa uu dhowr jeer goob joog u noqday Madaafiic lagu weeraray Xarunta Villa Somalia, walow ay madaxweynaha weerarrada ka difaacaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo madaafiic xooggan ku garaaca meesha madaafiicda looga soo rido Xarunta Villa Somalia.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaaladda Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay noqotay mid aan hagaagsaneyn oo martigelineysa dagaallo xooggan oo lagu hoobtay oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac ku yimid dad badan oo rayid ah, kuwaasi oo qaarkood haatan ay ku nool yihiin Geedo hoostood, iyagoo aanan heysan adeegyada aas aasiga u ah nolosha Bani’adamka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).