13 C
London
Monday, October 27, 2025

Waa sidee xaaladda Magaalada Muqdisho kadib dagaalladii xalay ka dhacay?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, April 18, 2007(HOL): Xaaladda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa degan kadib dagaal xooggan oo xalay ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka oo taageero ka helaya Ciidamada Itoobiya iyo kooxa ka soo horjeeda.
 
Dagaalka xalay ka dhacay Magaalad Muqdisho oo ahaa midkii ugu xoogga badnaa oo xili habeen ah dhaca ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay dad ku dhow 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo kontomeeyo ruux gaaraya, kuwaasi oo haatan dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaallada Keysaney, Madiina iyo Dayniile.
 
Dagaalka xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la isugu adeegsaday hub waa weyn, kaasi oo ay isku ridayeen labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyay, waxaana madaafiicda ay isku ridayeen labada dhinac ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah oo guryahooda iska joogay.
 
Sidoo kalena dagaalkii xalay wuxuu saameyn ku yeeshay dad dib ugu soo laabtay guryahooda oo horay uga qaxay dagaallo horay Muqdisho uga dhacay, kuwaasi oo xalay ay dantu ku kaliftay in ay mar kale sii barakacaan. Dadkii horay uga barakacay magaalada Mqudisho ayaa waxaa ku heysta deegaanadii ay u qaxeen xaalad nolol xumo, iyadoo uu u sii dheer yahay Roobkii Guga oo dushooda ku da’aya.
 
Maanta magaalada Muqdisho waa ay degan tahay wax rasaas ahna kama dhacayaan, hayeeshee waxaa weli is-horfadhiya oo xili kasta dib u dagaalami kara ciidamada labada dhinac, kuwaasi oo aan lagu guuleysan in la kala qaado.
 
Dhanka kalena, Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah ayaa maanta soo galay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo la sheegay in ay ka soo dhaqaaqeen dhinaca Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamadan ayaan la ogeyn sababta soo gelitaankooda Muqdisho, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ay ciidamadaasi caawinayaan ciidamada Itoobiyaanka ah ee qeybta ka ah Dagaallada Muqdisho ka dhacaya.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).