10.9 C
London
Monday, October 27, 2025

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay howlgelineyso Ciidmadii Badda Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, April 17, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u howlgelineyso Ciidamadii Badda Soomaaliya, kuwaasi oo xeebaha Soomaaliya ka ilaalin doona Kooxaha burcad badeedka ah ee Doomaha iyo Maraakiibta Afduubta.
 
Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo maalintii shalay ahayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Dowladda diyaarisay maraakiib iyo doomo dheereeya oo lagula dagaalami doono kooxaha burcad badeeda ah ee Maraakiibta iyo Doomaha Af-duubta.
 
Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in ay Maraakiibtaas yaaliin Xeebaha Bari ee Soomaaliya, isla markaana dhawaan loo soo wareejin doono dhinaca Xeebaha Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in maraakiibtaas lagu ilaalin doono Xeebaha Soomaaliya oo ay ka dilaaceen kooxo burcad badeed ah oo Maraakiibta iyo Doomaha Af-duubta.
 
Wasiirka waxaa uu sheegay in ay socoto uruurinta Ciidamadii Badda Soomaaliyeed, kuwaasi oo marka ay uruurintooda soo dhameystiranto lagu wareejin doono howlgallada lagu ilaalinayo Xeebaha Soomaaliya.
 
Cali Ismaaciil Cabdi Giir ayaa hadalkan sheegay kadib markii dib loo howlgeliyay Dekedda Muqdisho oo howlaheedi ay u hakadeen sabab la xiriirta canshuur ay Dowladda Federaalka ku soo rogtay ganacsatada Magaalada Muqdisho, iyadoo haatanna ay Dekedda Muqdisho ka socdaan howllo rar looga dejinayo Maraakiib iyo Doomo muddo 20 cisho ku dhow taagnaa duleedka Dekedda Muqdisho.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqdo in ay ilaalineyso Xeebaha Soomaaliya oo ay ka dilaaceen kooxo Burcad badeed ah, kuwaasi oo dhawaan laga sii daayay Doon ganacsato Soomaaliyeed u rarneyd iyo Markab u kireysnaa Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).