10.9 C
London
Monday, October 27, 2025

Hay’adda African Developemnt Trust oo deeqo kala duwan gaarsiiyay Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, April 16, 2007(HOL): Hay’adda African Development Trust ayaa deeqo kala duwan oo isugu jira Cunno iyo Dawooyin, gaarsiisay Dadka ay dhibaatooyinka ku hayaan Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

 

Hay’adda African Development Trust (ADT) ayaa deeqo dawooyin ah gaarsiisay Dadka uu shubanka ku hayo deegaanka Ceel-bacad ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo dawooyinka halkaas la gaarsiiyay ay ka mid yihiin: Faleebooyin, ORS, Sharoobooyin, Cirbado Atibiotic ah, Teendhooyin iyo Koox Nurses ah oo dadkaas xanuunsanay daweeya.

 

Liibaan Maaxi Macallin oo ah sarkaalkiisa Hay’adda African Development Trust (ADT) xafiiskeeda Muqdisho ayaa u sheegay saxaafadda in kaalmooyinkaas isugu jira dawooyinka, teendhooyinka iyo kooxda Nurses-ka ah ay ugu talo galeen inay wax ka qabtaan xaaladda shuban ee ka jirta Deegaanka Ceel-bacad oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

 

“Deeqdaas aan gaarsiinnay Ceel-bacad waxaan ku wareejinnay Ugaas Xasan Ugaas Cabdulle oo ka tirsan odayaasha dhaqanka ee Deegaanka Ceel bacad” ayuu yiri sarkaalkaan u hadlay ADT, wuxuuna intaas ku daray: “Howshaas aan halkaan ka qabannay waxay ahayd mid socotay muddo saddex casho ah, waxayna ku dhammaatay guul”.

 

Ugaas Xasan Ugaas Cabdulle oo isagana halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay Hay’adda African Development Trust (ADT), wuxuuna sheegay in intii howshaas socotay ay hay’addu muujisay karti iyo hufnaan, waxaana ka kacay xanuunnadii shubanka ahaa ee ay la il-darnaayeen dad aad u fara badan, isagoo ka codsaday inay hay’adaha kale ku daydaan Hay’adda ADT oo howshaan caawinaadda ah fulisay.

 

Dhanka kale, Liibaan Maaxi Macallin ayaa sheegay in Gobolka Shabeellada Hoose deegaanno ka tirsan ay ka qaybiyeen cunnooyin isugu jira Galley iyo Saliid ayna u qaybiyeen 200-qoys oo ah dadkii ka soo barakacay Dagaallada ka socda Muqdisho.

 

Haweeney ka mid ah dadkii ka qaxay Muqdisho oo deeqdaan raashinka ah la siiyay ayaa waxay sheegtay in Hay’adda African Development Trust ay soo gaarsiiyay kaalmadan cunnada ah xilli ay baahi weyn u qabeen, waxayna ka codsatay Hay’daha kale inay iyaguna la soo gaaraan kaalmooyin noocan oo kale ah.

 

Hay’adda African Development Trust (ADT) ayaysan ahayn markii ugu horreysay oo ay deeqo gaarsiiso dadka dhibaataysan ee ku dhaqan Gobollada dalka qaarkood.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).