10 C
London
Monday, October 27, 2025

Dowladda Federaalka iyo Ganacsatad Muqdisho oo isku af-gartay in dib loo howlgeliyo Dekedda Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, April 15, 2007(HOL): Dowladda Federaalka iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa isku af-gartay in dib loo howlgeliyo Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho kadib markii ay hakadeen howlihii dejinta iyo dhoofinta ahaa ee ka socday dekeddaas.

Howlihii ka socday Dekedda ayaa hakad galay kadib markii ay Dowladda Federaalka ganacsatada ku soo rogtay canshuur ay ka qeyliyeen ganacsatada Gobolka Banaadir, iyadoo canshuurtaasna ay keentay in ay muddo dhowr iyo toban cisho ah ay hakad galaan howlihii Dekedda.

21 Gaadiid ah oo isugu jiray Maraakiib iyo Doomo ay ku raran yihiin badeecooyin kala duwan ayaa mudadaas dhowr iyo tobanka cisho ah fadhiyay meel aan u dheereyn Dekedda Muqdisho, iyadoo ganacsatadii soo raratayna ay sheegeen in aysan dejineynin badeecooyinka u saaran tan iyo inta wax laga qabanayo canshuurta ay Dowladda Federaalka ku soo rogtay.

Afhayeenka Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale ayaa sheegay in kadib markii ay wada hadallo waqti badan qaatay ay yeesheen Dowladda Federaalka iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir ay isku af-garteen aakhirkii in la qafiifyo canshuurtii ay Dowladda ku soo rogtay Ganacsatada, si loogu naxariisto Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo sicir barar aad u daran uu soo wajahay intii ay ganacsatada gadoodka ku jireen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, natiijada ka soo baxday kulamadii ay muddooyinkan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir ee ku aadan in dib loo bilaabo howlihii Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo maalmahan dhexda u galay dagaallo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda iyo sicir barar salka ku haya khilaafka soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).