10 C
London
Monday, October 27, 2025

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadihii Islaamka oo sheegay in aan hadalka Maxkamadaha laga qaadan karin Shiikh Xasan Daahir Aweys

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, April 15, 2007(HOL): Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo ah Xoghayaha Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliyeed ee awooddoodii la wiiqay dabayaaqadii sanadkii hore ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dalka Soomaaliya uu cadaw ku soo duulay, isla markaana uu dhibaato u geystay dadka ku nool.

Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo u waramayay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa qirtay in dagaalladii Muqdisho ka dhacay ay qeyb ka yihiin Maxkamadihii Islaamka ee uu ka tirsanaa, inkastoo uu carrabka ku dhuftay in ay Maxkamadaha Islaamka ka mid yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Mar wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadal uu dhawaan sii daayay Guddoomiyaha Golihii Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys, kaasi oo ahaa in ay Maxkamadihii Islaamka wada hadallada dib u heshiisiinta ka qeyb-qaadanayaan haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa kale ee Afrika ay ka baxaan dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay Prof. Caddow in hadalka Maxkamadaha Islaamka kaliya laga qaadan karo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sida uu yiri Madax u ah Maxkamadihii Islaamka.

Prof. Caddow waxaa uu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku xiran yahay Ciidamada Itoobiyaanka oo dalka Soomaaliya isaga baxa, wuxuuna farta ku fiiqay in inta ay joogaan Ciidamada Itoobiyaanka aan xal la heli doonin, “Itoobiya ma dooneyso in ay nabad ku soo celiso Soomaaliya ee waxay dooneysaa in ay dadka Soomaaliyeed xasuuqdo, isla markaana ay gurato kheyraadka ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo ka mid ahaa aqoonyahanno Soomaaliyeed oo dhawaan arrimaha Soomaaliya kaga shiray Magaalada Leicester ee dalka Britain.

Hadalkan uu maanta BBC-da siiyay Prof. Ibraahim Xasan Caddow waxaa ka muuqday in madaxda Maxkamadihii Islaamka uu mad-madow soo kala dhexgalay, bacdamaa uu haatan Prof. Caddow ka dhawaajiyay in hadalka Maxkamadaha laga qaadan karo oo kaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).