10 C
London
Monday, October 27, 2025

Saxafiyiin Soomaaliyeed oo magaalada Qaahira ka soo saaray Codsi ku saabsan in la sii daayo Wariyayaal ku sugan Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad, April 15, 2007(HOL): Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen, Saxafiyiin Soomaaliyeed oo ku sugan Qaahiro- Masar ayaa lagu lafa gurey guud ahaan xaladdaha qalafsan ee soo food saarey Shacabka soomaaliyeed gaar ahaan ahaan dadka ka shaqeeya warbaahita xorta ah ee Magaalada Muqdisho.

Saxafiyiinta kulankan isugu yimid ayaa waxaa ay gabgabadii kulankooda cabaarayn dusha uga tuureen xariga gardarada ah ee lagula kacay dhawaan C/qaadir Cashir (Nadaara) agaasimihii Talafishinka Universal TV ee magalada muqdisho iyo waraiyaal kale, waxayna ka codsadeen dhinacyada xarigaas ku lugta leh in ay si deg deg ah xoriyaddooda ugu soo celiyaan saxafiyiintaas.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen wariyaal ay ka mid ahaayeen C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) Cabdi Yuusuf Faarax, Al- Ustaad Mahad Caraboow Cali Xuseen Saxnuuni, Rooda Cabaas Cabdi, Bashiir Maxamed Warsame – Al bashiir- Max’ed Cali Shuuti, Kartoonist C/laahi Muxyaddiin Cali Abdul Arts Jabril Mahamed Jabril ,Ismaaciil Macalin C/lle (Saxaaf) iyo Yaasmiin Xasan Ingriis, Faarax C/laahi. Iyo Saxafiyiin kale.

Waxaa lagu canbaareyey xadgudubyada isugu jira xariga caburinta iyo cagajugleynta ee lagu la kacay saxaafadda, taasoo looga goleeyahay in lagu horistaago in si dhab ah loo soo bandhigo waxyaabaha ka dhacaya Muqdisho iyo Soomaaliya.

Saxafiyiintaas ayaa gaar ahaan waxay ugu baaqeen Dowladda Kumeel gaarka in ay dhowrto xuquuqda Saxaafada, iyo Suxufiyiinta, waxayna ugu baaqaysaa dhamaan qeybaha isku haya soomaaliya in ay u fududeeyaan warfaafinta howsha baaxada leh ay u hayaan Soomaaliya.

Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Qaahira Jooga ayaa isku balan saday in mar kale ay ka wada hadlaan doorka warbaahinta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan xiliga adag ee uu dalka Soomaaliya maanta ku jiro.

Mahad Carabow Cali
Email
Mahad554@yahoo.co.uk
Cairo Egypt

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).