10 C
London
Monday, October 27, 2025

AXMED DIIRIYE CALI : “Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka waa ay diideen in ay ka baxaan Goobihii ay qabsadeen”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, April 15, 2007(HOL): Nabaddoon Axmed Diriye Cali oo ah Afhayeenka Beelaha Hawiye ayaa ka hadlay natiijadii ka soo baxday kulan ay maalintii shalay ahayd Muqdisho ku yeesheen Guddi Saraakiil ah oo metelayay Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiil ka socotay Ciidamada Itoobiyaanka, wuxuuna sheegay in shirkaas aaney ka soo bixin go’aano la isku raacsan yahay.

Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ay diideen in ay dib ugu celiyaan ciidamadooda fariisimadii ay ka soo bixiyeen, wuxuuna sheegay in ay taasi caqabad ku noqon karto heshiiskii xabad joojinta ahaa ee ay labada dhinac horay u wada gaareen, “Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka waa ay diideen in ay ka baxaan Goobihii ay qabsadeen ee ay horay u deganaayeen dadka rayidka ah”áyuu yiri Axmed Diirye Cali.

Axmed Diiriye waxaa uu intaas ku daray in dhinacooda ay ogol yihiin in Ciidamada la kala qaado, isla markaana ay dadkii Muqdisho ka qaxay dib u soo laabtaan, wuxuuse carrabka ku dhuftay in Saraakiisha Itoobiyaanka ay dhibeyso in ay dib uga noqdaan goobihii ay dagaalka ku qabsadeen.

Iyadoo Haddaba ay Odayaasha Beelaha Hawiye ay sheegaan in ay Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka la galeen heshiis xabad joojin ah ayaa hadana waxaa magaalada Muqdisho maalin iyo habeen laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay Ciidamada labada dhinac isku ridayaan, walow taasi lagu sababeyn karo in ay weli is-horfadhiyaan Ciidamada labada dhinac.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee wada hadallada la leh Odayaasha Beesha Hawiye ayaa waxya u muuqdaan kuwo aan go’aan lahayn marka ay timaado in laga hadlo kala qaadista Ciidamada iyo weliba in ay Ciidmadooda dib ugu celiyaan Xerooyinkii ay horay uga soo baxeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).