Sabti, April 14, 2007(HOL): Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee dalka Soomaaliya ayaa shir ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay ku eedeeyeen Dowlado ka tirsan Urur Goboleedka IGAD oo ay ku sheegeen kuwo aan dhedhexaad ka ahayn arrimaha Dalka Soomaaliya.
Odayaashan ayaa ku eedeeyay Dowladaha Kenya iyo Uganda in aysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Dalka Soomaaliya, waxayna caddeeyeen in ay dowladahaas la safan yihiin Dowladda Itoobiya oo ay sheegeen in ay xasuuq u geysatay dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, iyagoo dhinaca kalena bogaadiyay Mowqifka ay Dowladaha Jabuuti, Suudaan iyo Eretereya ka taagan yihiin arrimaha Soomaaliya.
Waxay shirkooda ka soo saareen baaq ay u direen Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka, iyagoo ka codsaday in ay wafdi xaqiiqo raadin ah u soo diraan Magaalada Muqdisho, si ay u qiimeeyaan wax ay ugu yeereen xasuuqii Muqdisho ka dhacay.
Shacabka Mareykanka ayay u sheegeen in ay Dowladdooda qeyb ka tahay dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed, waxayna carrabka ku dhufteen in Jendayi Frazer oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Afrika ay dhawaan Baydhabo u tagtay sidii loo dhibaateyn lahaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Sidoo kalena waxay soo saareen codsi ay u direen Beesha Caalamka oo ay ka dalbadeen in ay kaalmo la soo gaaraan dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho oo ay la soo deristay xaalad nololeed oo aad u daran, iyagoo dadkaasi qaar ka mid ahna ay ku hoos nool yihiin geedo ku yaala hareeraha wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye.
Shirkan ay maanta Muqdisho ku yeesheen Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd ay shir ku yeesheen magaalada Nairobi Wasiirrada Arrimaha Dibadda Wadamada IGAD, kuwaasi oo gunaanadkii shirkooda ka soo saaray go’aanno ay ku ayidayaan howlgalka ay Ciidamada Itoobiyaanka ka wadaan Magaalada Muqdisho, iyagoo sidoo kalena dalbaday in la dedejiyo Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee loo dirayo Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Odayaaashan ka soo jeeda Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee dalka Soomaaliya ayaa waxay dhinaca kale wada hadallo kula jiraan Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, iyagoo kala hadlaya sidii Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ka qeybqaatay dagaalkii dhawaan Muqdisho ka dhacay dib loogu celin lahaa xerooyinkii ay ka soo baxeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia