11.2 C
London
Monday, October 27, 2025

Dowladda Federaalka oo waxba kama jiraan ku tilmaantay Warbixin uu soo saaray Guddiga qiimeynta khasaaraha Dagaalladii Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, April 12, 2007(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixin uu dhawaan soo saaray guddiga ay Odayaasha Beelaha Hawiye u saareen soo qiimeynta khasaarihii ka dhashay dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in warbixintaas ay ahayd mid aan sal lahayn, wuxuuna caddeeyay in haddii warbixin ceynkaas oo kale ah la sameynayo loo baahan yahay in waqti la qaato, isla markaana baaris dheer lagu sameeyo.

 

Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere waxaa uu sheegay in ay dad badan ku dhinteen, ku dhaawacmeen, isla markaana ku barakaceen dagaalladii Muqdisho ka dhacay balse aysan arrintu ahayn sida ay Guddigaas ku soo dhigeen warbixintooda qiimeynta.

 

“Warbixinta ay guddigaas soo gudbiyeen waa mid aan sal lahayn oo la iska qiyaasay, marka waxaan leenahay yuusan caalamka idinku qoslin ee ka fiirsada sida aad wax u qiimeyneysaan”ayuu yir Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed oo sheegay in aad looga bad-badiyay khasaaraha ka dhashay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay.

 

Guddi 11 xubnood ka kooban oo ay Odayaasha Beelaha Hawiye u xil saareen soo qiimeynta khasaarihii ka dhashay dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin uu ku sheegayo in dagaalladii afarta maalmood Muqdisho ka socday ay ku dhinteen dad dhan 1086 ruux, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4,344 ruux oo isugu jira dhaawac, culus, mid fudud, una badan Dumar, Caruur iyo Waayeel, halka ay ku barakaceen dad dhan 1.4 Milyan, iyadoo guddigan uu khasaaraha hantiyeed ee uu dhaliyay dagaalkaasna ku sheegay 1.5 Bilyan oo Doollarka Mareykanka ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).