9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

CIIDAMADA ITOOBIYA EE KU SUGAN GUDAHA GOBALKA HIIRAAN OO SHEEGAY IN CIDII SI MACNO DARO AH KU RIDA RASAAS LAGALA WAREEGI DOONO HUBKA AY HEYSATO.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Isniin,9 April. 2007 (HOL)  Tan iyo wixii ka danbeeyaya markii ay soo dageen gudaha Magaalada B/weyn ciidamada Dowlada Itoobiya, waxaa jiray warar isa soo tarayay oo ka hadlaya joogitaanka ciidamada lakiin markii danbe meesha ka baxay ka dib markii ay Saraakiisha hor kaceysa ciidamadu sheegeen in ay halkaa u joogaan sugida nabad-galyada.
 
Ciidamada oo bilaabay howlo ay kula soconayaan dhaq-dhaqaaqa dhinaca nabad-galyada ee gudaha magaalada, ayaa dhanka kale warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in wixii hada ka danbeeya aan la maqli karin Rasaas is Micno daro ah laysaga rido taasoo sida qal-qal ku ah sugida nabad-galyada sida ay iyagu qabaan.
 
warka ayaa intaa ku daray in uu jiro daba gal dheeraad ah oo ku sameynayaan Ciidamadu cida ka danbeeysay Rasaas daqiiqado soctay oo laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada xali habeen ah, taasoo keentay in ay mamnuucaan Ridista rasaasta aan loo meldayin.
 
ilaa hada majiro war arintaa ku saabsan oo uu sacad uga hadlay maamulku, inkastoo siyaabo kale wakaasi loo qeexayo. waxaana marka aad arintan dhinac ka eegto la oran karaa waa mid ku adag fuliteeda dhinaca maamulka maadaama ay jiraan shaqsiyaad heysta hub uusan ka warqabin maadaama aysan aan horay loo sameyn hub ka dhigis guud oo laga wada sameeyo gudaha Gobalka Hiiraan.
 
dhinaca waxaa wali ka socda gudaha gobalka kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin odayaasha beelihii ku dagaalamay deegaanka Baar-magoog oo ay waheliyaan saraakiil ka tirsan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, walow kulamadaasi aan wali laga soo saarin war ku saabsan hadii ay jiraan wax yaabo lagu hishiiyay.
 
C/raxmaan Diini
Hiiraan Online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).