9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

Odayaasha Beelaha Hawiye oo magacaabay Guddi soo qiimeeya khasaaraha ka dhashay dagaalladii Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, April 08, 2007(HOL): Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta guddi u magacaabay guddi soo qiimeeya khasaarihii ka dhashay dagaalladii Muqdisho ka dhacay todobaadkii hore.

 

Guddigan oo 11 xubnood ka kooban ayaa waxay isugu jiraan aqoonyahanno iyo saraakiil ciidan, waxaana loo saaray in ay soo qiimeeyaan, isla markaana ay warbixin ka soo sameeyaan khasaarihii ka dhashay dagaalladii afarta Maalmood Muqdisho ka socday.

 

Dad lagu qiyaasay ilaa 400 oo ruux ayaa ku dhintay dagaalladii Muqdisho ka dhacay kadib markii dhinacyadii ku dagaalamay ay isu adeegsaday hub aad u xooggan, haba ugu darnaadeen ciidamada Itoobiya oo diyaarado, taangiyo iyo madaafiic waa weyn  ku garaacay xaafado ay dad rayid ah ku sugnaayeen oo Muqdisho ku yaala.

 

Dhanka kalena, waxaa maanta 2-da Duhurnimo wada kulmaya Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaasina lagu sii amba qaadi doono heshiis ay horay labada dhinac u gaareen.

 

Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa kulankaas natiijadiisa si weyn uga war dhowraya, bacdamaa dagaal dambe oo ka dhaca Magaalada Muqdisho uu si weyn u sameynayo noloshooda, halka heshiis iyo xal laga gaaro dagaalkaasna ay naruuro u tahay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).