9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

67-qof oo Soomaali ah oo habeenkii labaad ku xiran Garoonka Diyaaradaha Entebbe ee wadanka Uganda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, April 08, 2007(HOL): Waxaa garoonka Entebbe Airport oo 35-km u jira caasimadda wadanka Uganda ee Kampala ku xiran dad qaxooti Soomaaliyeed ah oo ka soo fakaday dagaalaada ka socda Magaaladda Caasimidda Soomaaliya ee muqdisho, waxaana dadkan oo tiradoodu dhan tahay 67-qof ay ku rafadsan yihiin habeenkii labaad gudaha garoonka Diyaaradaha Entebbe.

 

Ilaaladda Garoonka ayaa diiday in dadkan ay u gudbaan magaaladda Kampala, looguna dhifto fiisaha dal ku galka Baasaboorada ay wataan, hase ahaatee waxaa isku dayay in dadkaas ka soo daayaan garoonka madaxda Xaafiiska Somali Community ee wadanka Uganda iyo sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo sidoo kale ganacsato Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Kampala, hase ahaatee waa u suuro gali weysay in ay ku guuleystaan soo deynta dadkaas masaakiinta ah.

 

Dadkan oo u badan Waayeel, Haween iyo Caruur ayaa sidaas oo kale Police-ka wadanka Kenya, gaar ahaan ilaaladda Garoonka Jomo Kinyato ay Habeenkii sabtida ku celiyeen Garoonka magaaladda Nairobi oo ay Transit ku ahaayeen, iyagoo sheegay in baaritaan ay ku sameynayeen, waxaana dadka oo dhammaantood ka soo qaxay magaaladda musiibadu ka taagan tahay ee Muqdisho ay dhibaato xoog leh ku heysaa Garoonka Entebbe ee duleedka Magaaladda Kampala.

 

Madaxda garoonka Entebbe iyo Ciidanka Police-ka Uganda ayaa sheegay in dadka ay kaliya sii deyn karaan markii ay helaan dabiin uga tmaada dhinaca UN-ka, gaar ahaan Hey’adda Qaxootiga ee UNHCR, iyadoo dadka Soomaalida ah ee degan Magaaladdan Kampala ay dadaal ugu jiraan sidii loo sii deyn lahaa dadkaas dhibaateysan, waxay ku howlan yihiin sidii UN-ku u soo dabiinan lahaa dadka xaniban.

 

Dadkan oo ay keentay Diyaaradda Kenya Airways ayaa gaajo, daal, jiro iyo Kaneecaba ay ku heysataa gudaha Garoonka oo aysan ka heleyn wax adeeg ah, sida Cunto, cabitaan iyo meel ay dhinaca dhigaan oo ay ku nastaan, iyagoo Police-ku ku horay iridda lacag soo galo garoonka, inkasta oo xoogaa yar oo raashin iyo biyo ay u geeyeen gabdho Soomaaliyeed oo degan magaaladatan Kampala, waxaana dhib kale oo ku aaday quudinta dadkaas uu ka taagan yahay iyadoo garoonku uu ka durugsanyahay Caasimadda oo qof kastahu uusan tagai karin.

 

Caqabadda ugu horeysa ee sababtay in dadkan Soomaalida ah lagu qash-qashaado Garoomada Uganda iyo Kenya ayaa ah iyadoo ay soo qaldeen shirkadihii ka soo qaaday Soomaaliya, waayo waxay u soo jareen Ticket ah weji ah ama Go, arrintaas oo qalad ku ah safraha, waayo markii aad u socoto wadanka aad u dhalatay ama Passport-kiisa heysta ayaa qaadanka kartaa Ticket ha safar ah, waxaana arrinkaas u sii dheer in Ticket-ku uu ahaa mid aad qaali u ah oo looga soo iibiyay lacag gaaresa 1,500-dollar sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhibanayaasha, waxaana Dowladda Uganda ay sheegtay in qaladkaas uu yahay kan ugu horeeya ee lagu heysto dadkan Soomaaliyeed ee ka soo baxsaday Dhibka xooga leh ee ka taagan Casimadda Soomaaliya.

 

Haddii ay suurogal noqonweyso in UN-ku uu dadkaas dabiintay  ka soo fasaxo Dowladda Uganda, waxay noqoneysaa in dadkaas oo qaarkood xanuuno iyo dhaawacyo iyo cabsi ay qabaan uga soo cararay Muqdisho in lagu celiyo musiibadii ay ka soo fakadeen, arrinkaas oo dhib kale ku ah dadkaas Soomaaliyeed, laakiin dadaalka ay wadaan walaalahood ku nool Uganda ayaa u muuqda in dadkaas ay heli doonaan magan-galyo Nabadeed oo dowladda Uganda u fidiyo, iyadoo ilaa galabta iyo caawa ay dadaallo wax ku ool ah ay wadeen Safaaradda, guddiga iyo Xaafiiska Soomaalida ee Uganda.

 

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue),

Email: farahblue_545@hotmail.com

Kampala-Uganda, +256-774228112

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).