Axad,
Jendayi Frazer waxay sheegtay in xalka Soomaaliya uu ku jiro wada hadal iyo dib u heshiisiin, waxayna dowladda Federaalka ugu baaqday in ay la hadasho Kaabo Qabiillada ka soo horjeeda, isla markaana ay qabato shir dib u heshiisiineed oo lagu dhameynayo mushkiladda Soomaaliya, iyadoo shirkaasina ay caddeysay in uusan boos uga bannaaneyn kooxo ay ku tilmaantay Seef la bood iyo Jihaadiyiin.
Waxay soo dhaweysay xabad joojinta ay Muqdisho ku gaareen odayaasha Beelaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, waxayna ku sii baaqday in la sii adkeeyo xabad-joojintaas.
Jendayi Frazer oo markii ay la kulantay Madaxda sare ee Dowladda F ederaalka kadib shir jaraa’id ku qabatay magaalada Baydhabo ayaa sheegtay in Mareykanka uu diyaarinayo istaraatiijiyda uu kula dagaalayo Rag ay sheegtay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ee ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo ay ka xustay Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Xasan Turki iyo Aadan Xaashi Ceyrow.
Sidoo kale waxay sheegtay Jendayi Frazer in ay Dalka Soomaaliya ku soo laabteen oo ay ku sugan yihiin seddex nin oo ka dambeeyay qaraxyadii loo geystay Safaaradihii Mareykanka ee magaalooyinka Darasalaam iyo
Mar wax laga weydiiyay joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya waxay sheegtay in Ciidamada Itoobiya ay dalka Soomaaliya ku soo galeen qaab sharci ah, isla markaana ay u yeeratay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Socdaalka ay shalay ku tagtay Baydhabo Jendayi Frazer ayaa ahaa midkii ugu horeeyay ee ay ku tagto Soomaaliya, iyadoo socdaalkeeda ujeedadiisa ugu weyn uu ahaa in ay muujiso taageerada ay Dowladda Mareykanka u heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






