Sabti,
Markab u kireysnaa Hay’adda WFP oo ku af-duubnaa Xeebaha Deegaanada Puntland ayaa sii deyntiisa waxaa suurtageliyay Odayaasha Deegaanka oo iyagu xiriir la sameeyay Kooxda Burcad Badeedka ah ee Markabka heysatay.
Markabkan oo lagu magacaabo MV Raso ayaa markii la af-duubanayay wuxuu markii la af-duubanayay ku sii jeeday Magaalada Mombasa ee dalka Kenya kadib markii uu ku soo dejiyay rarkii saarnaa Dekedaha Berbera iyo Boosaaso, wuxuuna muddo afar asbuuc ka badan lagu heystay deegaanada Puntland, gaar ahaan Deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal. Ma jiraan wax madax furasho ah oo lagu bixiyay sii deynta markabkan waxaa uuna u shiraacday Magaalada Mombasa, iyadoo ay bed qabaan Markabka iyo Shaqaalaha saaran.
Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta Afduubta ayaa waxay Xeebaha Soomaaliya ka dilaaceen sanadkii 2005, xiligaasi oo ay qafaasheen maraakiib badan oo isugu jiray kuwo gargaar u waday dad waxyeello ka soo gaartay Bad-gariirkii Tsunami ee dabayaaqadii sanadkii 2004 ku dhuftay Badweynta Hindiya iyo kuwo kale oo ganacsato u rarnaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






