Jimco,
Afhayeenka Guddiga loo xil saaray uruurinta meydadka Xuseen Siyaad Qoor-gaab ayaa sheegay in ay soo heleen meydad kale oo tiro badan, kuwaasi oo yaalay xaafadaha Baar Ayaan, Cali Kamiin iyo Nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, wuxuuna sheegay in meydadkaas lagu aasay Qabuuraha Barakaat.
Ilaa 10 ruux oo meyd ah ayaa maanta laga soo uruuriyay xaafadihii ay dagaalladu ka dhaceen maalmihii aynu ka soo gudubnay, iyadoo maalintii dorraad ahaydna la aasay sodomeeyo ruux oo meyd ah oo isla goobahaas meydkooda laga qaaday.
Meydadka laga soo uruuriyay xaafadihii ay labada dhinac ku dagaalameen oo qaarkood ay dilaaceen ayaa waxaa uruurintiisa iyo asturiddiisa kaalin mug leh ka qaatay Bisha Cas iyo Laan-qeyrta Cas oo iyagu goobaha ay meydadka yaalaan u soo diray Shaqaalahooda.
Dhanka kalen, waxaa maanta laga sii daayay Isbitaalka Xayaat dad uu ka mid ahaa Agaasimihii Maamulka Isbitaalka Inj. Cabdi Maxamuud Xasan, kuwaasi oo ay Isbitaalka ku qabsadeen Ciidamada Itoobiya, waxaana dadkaasi Isbitaalka laga soo saaray iyagoo tacbaan ah oo uu daal badan ka muuqdo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






