8.8 C
London
Sunday, October 26, 2025

Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo maanta kulmaya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, April 06, 2007(HOL): Waxaa maanta mar kale kulan isugu imaanaya Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo kulankoodaasina ay uga wada arinsanayaan sidii xal loogu heli lahaa dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Islow Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah Odayaasha Beelaha Muqdisho ayaa sheegay in ay labada dhinac ballansan yihiin maanta Salaadda Jimcaha kadib, wuxuuna rajo ka muujiyay in ay  kulankaasay natiijo lagu farxo ka soo bixi doonto.

 

Islow Xuseen wuxuu sheegay in kulankaas ay ahayd in uu qabsoomo maalintii shalay ahayd balse uu u qabsoomi waayay sabab la xiriirta in guddi labada dhinac ka kooban ay ku mashquulsanaayeen aasitaanka meydad yaalay xaafadihii ay dagaalladu ka dhaceen maalmihii aynu ka soo gudubnay.

 

Dhanka kalena Islow Xuseen Cali Nuur waxaa uu sheegay in ay maanta labada dhinac ka wada hadli doonaan madaafiic xiliga habeenkii ka dhacda magaalada Muqdisho, taasi oo ay isku ridayaan dhinacyadii dagaallada u dhaxeeyeen, wuxuuse farta ku sii fiiqay Islow Xuseen in ay Madaafiicdaas ridayaan dad ay dhibeyso in xabad joojin laga gaaro dagaalladii Muqdisho ka dhacay.

 

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay dagaallo lagu hoobtay oo ay ku dhinteen dad ku dhow 400 oo ruux, halka ku dhaawacmeen, kuna barakaceen dad kale oo intaas ka badan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).