Jimco,
Cumar Xaashi waxaa uu sheegay in Dowladdii lagu soo dhisay Kenya oo sida uu yiri ahayd mid dib u heshiisiineed ay ka tallaabsatay ujeedadii loo soo dhisay oo ahayd in ay dadka Soomaaliyeed dib u heshiisiin xal ugu raadiso, sidaas darteedna waxaa uu carrabka ku dhuftay in aan la dhihi karin Soomaaliya Dowlad ayaa ka jirta.
Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda Federaalka ayuu sheegay in ay Dembilayaal yihiin, kuwaasi oo uu carrabka ku dhuftay in maalin ay haataba sharciga la hor keeni doono, isagoo marka uu sidaas leeyahayna ku eedeeyay mas’uuliyiinta sare ee dowladda in ay dalka ku soo hoggaamiyeen cadaw dadka Soomaaliyeed soo jireen u ah.
Cumar Xaashi Aadan waxaa uu sheegay in isaga iyo xubno kale oo la jooga Magaalada Asmara ee dalka Eretereya ay taageersan yihiin Dadaalka ay Odayaal ka soo jeeda Beelaha Hawiye ugu jiraan sidii ay Ciidamada Itoobiya uga bixi lahaayeen dalka Soomaaliya, wuxuuna dhinaca kale caddeeyay in ay maalintii shalay ahayd ku biireen Guddoomiyaha Guddigii Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Xuseen Maxamed Caydiid oo Ra’iisal Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Howlaha iyo Guriyeynta ka ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Cumar Xaashi waxaa uu sheegay in ay
Xildhibaano dhowr ah iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa muddooyinka waxay ku sugnaayeen dalka Eretereya kadib markii ay ka tageen dalalka Kenya iyo Jabuuti, waxayna Xildhibaanadan si weyn uga soo horjeedaan siyaasadaha Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka oo ay ku tilmaameen mid aan u adeegeynin danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






