Arbaco,
Afhayeenka Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay Dalka Mareykanka iyo Ururrada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka in ay soo farageliyaan xaaladda ay ku sugan tahay magaalada Muqdisho, isla markaana ay wax uga qabtaan xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday.
Axmed Diiriye waxaa kale oo uu baaq u diray Hay’adaha caalamiga ah ee deeqaha bixiya in ay u soo gurmadaan dadka ay waxyeellada ka soo gaartay dagaalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay qeyb weyn ka qaataan dib u dhiska guryo iyo goobo muhiim ah oo dagaalladii ku burburay, kuwaasi oo uu ka mid yahay Isbitaalka Xayaat oo uu ku cel celiyay in ay waxyeello daran soo gaartay.
Dhanka kalena, waxaa maanta la filayaa in ay kormeer ku tagaan xaafadihii ay dagaallada ka dhaceen, si loo soo saaro meydad weli guryaha ku jira, isla markaana loo aaso. Guddi afar xubnood ah oo kala metelaya Odayaasha Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya ayaa kormeerkan ku sameyn doona goobihii ay dagaallada ka dhaceen oo weli ay isku horfadhiyaan dhinacyadii dagaalka isla horjeeday.
Ugu dambeyntiina Magaalada Muqdisho ayaa maalintii seddexaad deggan kadib dagaallo qaraar oo ka socday muddo afar maalmood ah, waxayna deganaantaas timid kadib markii ay odayaal metelaya Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay gaareen heshiis xabad joojin ah, inkastoo aysan heshiiskaas wax lug ah ku lahayn Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu dalka keentay Ciidamada Itoobiyaanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






