10.2 C
London
Sunday, October 26, 2025

Somaliland oo looga mahadceliyay martigelinta Rakaab Muqdisho loo soo tarxiilay oo ay ogolaatay in ay Hargeysa ku degaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, 04 April 2007(HOL): Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa looga mahadceliyay martigelin ay u sameysay dad Sacuudiga laga soo tarxiilay oo diyaaradda Jubba Airways ay u suutageli weysay in ay Magaalada Muqdisho ku dejiso.

 

Muuse Culusow oo ka mid ahaa Rakaabkii diyaaraddaas saarnaa oo la soo xiriiray HOL ayaa sheegay in ay Xukuumadda Somaliland wax weyn u qabatay Rakaab uu ka mid ahaa oo saarnaa Diyaaradda Jubba Airways, kuwaasi oo loo diiday sida uu yiri in ay ku degaan Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

Muuse waxaa uu sheegay in markii ay Diyaaradda Jubba Airways ay ku degtay Magaalada Gaalkacyo shalay subaxnimadii la kala saaray rakaabkii diyaaradda saarnaa, kadibna loo ogolaaday intii ku abtirsaneyday deegaanada Puntland in ay degaan, intii kale ee ku abtirsaneysay beelaha kale ee Soomaaliyeedna  loo diiday in aysan diyaaradda ka soo degin.

 

Kadib waxaa uu sheegay Muuse in diyaaraddii ay la aaday dhinaca Magaalada Hargeysa bacdamaa aysan ku degi karin Magaalada Muqdisho sabab la xiriirta dagaallada ka jira. Muddo markii ay diyaaraddii dul meereysaneysay hawada Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ugu dambeyntii suurtagashay in diyaaraddii loo ogolaado in ay ku degto garoonka diyaaradaha Hargeysa.

 

“Haddii aysan Mas’uuliyiintii Somaliland noo ogolaan lahayn in ay diyaaradda ku degto Hargeysa nafteena halis ayay ku jirtay, waayo diyaaradda shidaalka ayaa ka dhamaan rabay”ayuu yiri Muuse Culusow oo intaas ku daray in ay si weyn ugu mahadcelinayaan Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo isagu lahaa amarka in ay diyaaraddaas ku degto magaalada Hargeysa iyo weliba shacabka Somaliland oo si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa.

 

Rakaabkan oo tiradoodu dhameyd 120 ruux ayaa dhamaantood laga soo tarxiilay Dalka Boqortooyada Sacuudiga, wuxuuna qorshuhu ahaa in lagu dejiyo magaalada Muqdisho, hayaeeshee taasi ma aysan suurtagelin sabab la xiriirta in aysan hagaagsaneyn xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).