Talaado, April 03, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa weli waxaa ka jirta xiisad colaadeed, inkastoo aysan jirin dagaallo ka dhacaya oo ay iskala soo horjeedaan dhinacyadii horay ugu dagaalamay.
Ciidamada labadii dhinac ee horay ugu dagaalamay magaalada Muqdisho ayaa weli isku horfadhiya goobihii ay rasaasta ku joojiyeen kadib afar maalmood oo dagaal ah, waxaana mararka qaarkood dhacaya rasaas goos goos ah oo ay labada dhinac isku ridayaan.
Meelaha ugu daran ee ay xiisaddan ka jirto ayaa waxaa ka mid ah Xaafadaha Xamar Bile, Xarar-yaale, Cali Kamiin, Baar Ayaan, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Towfiiq, waxayna xaafadahaas yihiin goobihii ay ku dhinteen dadka tirada badan ee ay salfadeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay maalmihii aynu ka soo gudubnay.
Iyadoo ay dad badan ka qaxeen magaalada Muqdisho hadana waxaa jira dad kale oo weli ka qaxaya xaafadahooda, isla markaana naftooda kala baxsanaya madaafiicda aan loo meel dayin ee ay labada dhinac isku ridayaan.
Magaalada Muqdisho weli xaalkeeda ma degana, waxayna ku jirtaa xaalad dagaal oo aan horay u soo marin tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladdii Mileteriga ahayd ee 21ka sano ka talineysay dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






