9.9 C
London
Sunday, October 26, 2025

Xildhibaanada Beesha Hawiye oo kulan ku saabsan Dagaallada Muqdisho la qaatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, April 02, 2007(HOL): Xildhibaanada Beesha Hawiye ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyagoo ka wada hadlay xaaladda Magaalada Muqdisho iyo dagaalladii lagu hoobtay ee maalmihii tegay ka socday.

 

Kulankan oo uu qabashadiisa ka dambeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayay Xildhibaanadii ka qeybgalay isku weydaarsadeen afkaartooda ku aadan dagaallada Muqdisho, waxaana markii la dooday soo baxday fikir kala duwanaasho ku kala dhex jirta Xildhibaanada, iyadoo ay xildhibaanada qaarkood ay ku doodeen in dagaalka Muqdisho ka socda uu u dhaxeeyo Dowladda iyo Argagixiso, halka kuwo kalena ay ku doodeen in dagaalka uu u dhaxeeyo Dad wax tabanaya oo Beesha Hawiye ka soo jeeda iyo Dowladda Federaalka.

 

Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux oo ka mid ahaa Xildhibaanadii kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay in uu isagu qabo in wada hadal lagu dhameyn karo khilaafka keenay dagaalka, isagoo caddeeyay in uu isagu beeshiisa wakiil ka noqon karo, isla markaana uu shar iyo kheyrba u qaadi karo, nabadna uu ka keeni karo.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle oo isna kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka dagaal kula jirto kooxo argagixiso ah oo dadka nabadda u diidan, wuxuuna caddeeyay in ay Dowladda kooxahaas soo af-jari doonto, isla markaana ay ka saari doonto meelaha ay ku dhuumanayaan.

 

Dood dheer oo ay yeesheen Xildhibaanada kadib ayaa waxaa shirkoodii ka soo baxay labo qodob oo kala ahaa in ay Dowladda Federaalka la hadasho cid kasta oo nabad wax ku dooneysa, isla markaana ay la dagaasho argagixisada, iyadoo labadaas qodobna loo xil saaray Xildhibaan Maxamed Qanyare in uu u gudbiyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo isaga markii uu shirka  furay kadib isaga tegay.

 

Dhanka kalena, Odayaal u hadlay beesha Hawiye ayaa waxay sheegayaan in ay Wada hadal lagu joojinayo dagaallada Muqdisho ay la galeen saraakiil Itoobiyaan ah, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay labada dhinac dagaalka joojiyaan.

 

Axmed Diiriye Cali oo sheegta afhayeennimada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in aysan ogeyn mas’uuliyiin Dowladda ugu jira Beelaha Hawiye oo mudan in lagala hadlo dagaallada Muqdisho, sidaas darteedna ay go’aansadeen in ay si toos ah ula hadlaan Saraakiisha Itoobiyaanka ah ee wada dagaallada Muqdisho ka socda.

 

Si kastaba, Arrintu ha ahaatee, waxaa adag xal laga gaaro dagaallada Muqdisho ka dhacayay maalmihii aynu ka soo gudubnay waayo Odayaasha u hadlaya Beelaha Hawiye waxay ku xirayaan in xabadda la joojiyo shuruudo ay ka mid yihiin in Ciidamada Itoobiyaanka ay ku laabtaan meelihii ay markoodii hore ka soo baxeen, halka Dowladda Federaalka oo iyadu u yeeratay Ciidamada Itoobiyaankana ay dooneyso in ay sii waddo dagaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).